Somaliland oo Joojisay Sharciyeynta Dhul-beereedka Gobolka Selel iyo Lughaya

0
520

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, ayaa soo saaray wareegto oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Hargeisa Press, oo uu ku caddeeyey inay joojiyeen sharciyeynta dhul-beereedka Gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal, kadib markii uu batay khilaafka dhinaca dhul beereedku.

Wasiirka Beeruhu wuxuu wareegtadiisa ku socod siiyey Guddoomiyeyaasha gobollada Awdal iyo Selel oo uu ku wargeliyey in laga bilaabo maanta oo 29ka  September ah, uu joojiyey dhammaan sharciyeynta dhul-beereedka Selel iyo Lughaya, illaa amar dambe ka soo baxayo Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed wuxuu madaxda gobollada Awdal iyo Selel iyo masuuliyiinta laamaha ammaanka ee gobolladaas u soo jeediyey inay dhaqan geliyaan wareegtadaas uu ku joojiyey sharciyeynta dhul-beereedyada.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here