Faro-galinta Qaawan ee Lagu Hayo Saldanada SUBEER AWAL, Oo Daaha Ka Fayday Danaha Siyaasadeed Ee Ku Daboolan. W/Q: Siyaasi Mohamed Gacayte.

0
1079
Mohamed Gacayte. Photo File

Sharaf iyo karaamo ayay huwantahay Saldanada Guunka ah ee Subeer Awal oo soo taxnayd tan iyo 1775 kii, laguna gardaadiyay deegaanka SUUQSADE oo ka tirsan Gobolka Saaxil. Waa boqortooyo dhaxal ah inan iyo aabihii iska dhaxlaan inta badan hadii loo garanwaayana qoyska Saldanada uun lagasoo xulo qof ku haboon oo raali laga wada yahay. Maalmahan waxa jiray dhaqdhaqaaqyo lagu wiiqayo Sandalada Subeer, iyadoo ay hore u jirtay in koox siyaasiyiin ahi ku dhaqaaqeen talaabo ugub ku ah Saldanada Subeer Awal, isla markaa ay caleemo saareen Suldaan Waraabo u taag ah oo dano siyaasadeed loo samaystay laguna carqadaladaynayo Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

 

Taariikhda Subeer Awal hore ugamay dhicin in Suldaankii Guud oo jooga la yidhaa waxaanu samaynaynaa Suldaan noo gaar ah oo nala wada arimaha siyaasada ee aanu rabno. Kooxdan loo abuuray carqaladaynta Salanadanada Subeer Awal oo Kulmiye mus danbeed u yahay waxay nidar ku galeen Hadii uu Suldaan Xasan u hogaansami waayo taageerida Siyaasada ahaan cida aanu rabno waxaanu balan ku qaadanayaa inaanu badalkaaga Caleemo saarno, si aanu Suldaan na ogol oo danahayga ka shaqeeya u helno. Runtiina way ku dhaqaaqeen Talaabadaas oo meel ka dhac iyo fool xumo wayn ku ahayd Sanadalada guunka Subeer Awal. Inkastoo ay si adag uga gilgisheen Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanka, Culimada, Dhalinyarada iyo Haweenka Beel waynta Subeer Awal oo meel adag ay iska taageen inaanay macquul noqon karin in Suldaankii Guud oo jooga la yidhaa suldaan kale ayaanu samaynaynaa.

 

Waxa la yaab leh Nin aan ina Suldaan ahayn oo aabihii aanu Suldaan ahayn halka uu Suldaan ku noqonayo Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan ma noqon karo Suldaan waayo ina Suldaanba maaha, balse koox dano siyaasadeed leh ayaa daba kawada oo Xisbiga Kulmiye u shaqaynaya, sababtuna waxa weeyi taageero aan soconayn oo kulmiye daba ka riixayo. Qoyska Reer Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye way kasoo horjeedaan Suldaankan Waraabo u taaga ah ee Kulmiyaysan, waxaanay sameeyeen dadaalo badan oo lagu joojinayo ninkan jibaysan ee Siyaasada looga gacan haadiyay. Maxamed Axmed Suldaan C/Raxmaan ayaa markii uu maqli waayay kana dhaga-Adeegay Reer Garaad Boon Iyo Reer Suldaan C/Ramaan Diiriye Uu Adeerkii si nasteexo ah ula hadlay isaga oo ka codsaday in uu joojiyo ceebaynta uu ku hayo sandalada Subeer-Awal. ka dib markii uu ka dhaga adaygay maqlina waayay ehelkiisa ayaa Adeerkii oo ay Aabihii Axmed Suldaan C/Ramaan walaalo yihiin uu maanta Hotel Xaraf ee Magaalada Hargaysa ku uleeyay, isagoo u sheegay in waalid-nimadu farayso in uu qabto. Suldaankan oo Dano Siyaasadeed loogu cumaamaday si loogu nusqaaminayo Sandalada guunka ah ee faca-wayn ee Subeer-Awal. Hadaba iyadoo ay taasi jirto ayaa Saaka Subaxnimadii hore Askar Boolis ah oo Suldaankii Waraabo u taaga ahi uu wato ay ku weerareen Gurigiisa Adeerkii Aadan Suldaan Cabdiraxmaan si xabsiga loogu taxaabo, lama oga cida bixisay amarka Askarta Booliska ee soo raacisay, Balse waxa la ogyahay in cida bixisay amarka boolisku yahay Xisbiga Kulmiye oo markii horaba ka danbeeyay caleemo saarka dhiciska ah ee lagu carqaladaynayo saldanada Subeer Awal.

 

Guntii iyo gabagabadii Waxaan leeyahay faro galinta halaga daayo Saldanada Subeer Awal oo yaan la siyaasadayn ceeb iyo fadeexad mooyee wax kale oo ay ka helayaan ma jirto, cod iyo taageerana hadalkeedba daa. Kulmiye haduu u haysto Suldaanka oo uu badalo inuu Kursiga ku fuulayo, walaahi wuu ku dumayaa codna ku heli mayo khasaaraha ugu badana waa dhankiisa. Saladanada Subeer Awal hore way jirtay waanay jiri doontaa laakiin ninka wax yeelo u quudhay Sharafta iyo Karaamada Saldanada ee ay ka baxasan wayday ma filayo inay wax kale ka badbaadi karaan. Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaana waxaan leeyahay dib iskugu noqo magac xumadana ka daa Saldanada soo jireenka ah, Reer Suldaan baad tahay wax kaa maqani ma jirto, yaan been laguu sheegin. Raga dabada kaa wadaa dano siyaasadeed ayay wataan, talada qaado oo Adeerkaa maqal isagaa halkii Aabahaa kuugu jira maaha in kolba laba askari laguu soo dhiibo lagu yidhaa Adeerkaa/ Aabahaa Soo Xidh magic xumo ka wayni ma jirto. Kulmiye iyo Kooxdan wax carqaladaynaysana waxaan leeyahay ka waantooba farahana kala baxa wax yeelada Saldanada aad ku haysaan, farogalinta Saldanada aad ku haysaan waxay idin dhaxalsiin doontaa Guul daro Siyaasadeed oo aan lagasoo waaqsan. Ilaahay Ha Adkeeyo Midnimada, Muwaafaqada iyo Wadajirka Saladanada Subeer Awal.

 

 

Allaa Mahad Leh

Siyaasi Mohamed Aadan Gacayte

falanqeeya arimaha Siyaasada iyo Bulshada

Gacayte09@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here