MA LIHID XAQ AAD KU MIDAYSO COLLAAD IYO NABAD, OO WAANEY IS GALEYN.

0
1030
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Dadkii in yar oo lax dhunkanni abaar ma og ah ayaa u soo baxday. Intaa yar waxa ay kaga dhagtay “xaq baan u leeyahay”. Maxaad xaq u leedahay? “Sida aan u fikirayo xaq baan u leeyahay iyo waliba waxa aan aaminsanahay in aan cod dheer ku sheeggo!”

 

Waa run oo xaq waad leedahay, fikirkaagana waad cabbiri kartaa se waa goorma goortaasi?

Fikirka shakhsiga ahi waa xor, dareenka xilliguna waa xor, cabbirka rayiguna waa xor. Laakiin ma goor walba?

 

Wax dawladnimo iyo qarannimo ummadeed oo lagu heshiiyey leedahay ayaa jirta, waana halka aadamuhu inta badan u markhaati gashado in nabad iyo wanaag ummadeed lagu sameyn karo xaqa inta badan oo ah wanaagga guud ee qarannimo.

 

Fikirkaaga shakhsiga ahi waa xor mar walba. Waayo fikirku ma aha mid bannaanka u soo baxa ee waa shaqo maskaxeed haddii laga hadliyo cabbir rayi bixisa. Waa sidaa sida la isku la qaatay in fikirku marwalba xor yahay. Sababtuna waa in aan marnaba fikirka qofka la maqli karahaynin.

 

Cabbirka dareenku goorma ayuu xor yahay? Isna waa goorta madal la isku laab xaadhanayo la fadhiyo. Waa marka afkaarta kala duwan la is waydaarsanyo si nabaddi ku jirto oo aan rabsho iyo onkod collaadeed marnaba keenaynin.

 

Waxa kale oo isna xorriyadda soo gala dareenka xilliga oo isagu aan wakhti sugan mooye e’ aan mar kale hana qaadi karin. Xaqa qof waliba uu leeyahay waa xaq aan collaad keenaynin waana xaq nabad-galyo.

 

Haddaba bal ujeedada aan ku soo daadago eh, hadal cabbir maskaxeed ku yimi waa in uu noqdaa mid xilligiisii joogga, oo la hubiyey in aannu dhib marnaba keenaynin.

 

Tusaale ahaan, shantii sano hal mar ayaa lagu siiyey fursadda doorasho ee madaxnimo. Markaa cidda aad rabto ayaad u ololeyn una coddeyn.

 

Laakiin ma lihid xaq ka baxsan kaa heshiiska bulsho ee dastuuriga ah ku yimi sida in aad qori qaadato oo aad damacdo in cid xukunka kaga daadajiso cidna ku saarto.

 

Sidoo kale haddii aad midnimo Soomaaliyeed rabto la sug wakhtiga haftida dadweyne ee labaad timaado. Waxa se ceeb ah in aad Nagu dardarto midnimo 25 sano laga jooggo oo aad ku midayneyso naar iyo janno.

 

Dhawaanahan waxa soo baxay dhalin midnimadii dhadhay dhadhan macaansatay se aan gaws iyo carab toona saarin. Dhalin aan baran xaqa kuwa dhintay ay leeyihiin waa xaqa ay maytidu ku kasbatay dhaxalka nabadda ay u dhaafeen dhalinta midnimada dhibkaba keentay dib u dhadhan macaansatay.

 

Dhalinta keeda diinta inta yar ka bartay midnimada qaladka ka fahmay ee uu qiiro turjuntay aayaadka Illaaahy nabadda iyo cibaadada ku salleeyey. Waa garaadka Muqdisho oo gubaneysa Hargeysa oo nabad ah loo hoos-gaynayo eh.

 

Dhalinta keeda suxufiga isku arkay uu qalinka barako yareystay uu collaad iyo nabad ku midee is yidhi. Dhalinta keeda abwaannimo sheegtay uu tixda yar afka iyo jinsiga isku midka ah dastuur uga dhigay dawladnimo iyo siyaasad qaran oo af iyo jinsi wax ka balaadhan u baahan.

 

Alla ha sahlo eh, Dhalinta xaqa waxa ay u arkaan dheefsaday ee isla xaqoodu in uu masiibo keen yahay fahmi kari la waxa aan leeyahay suga xilliga xaqu dadka oo dhan u adeeggayo ee aannu idinka kaliya idin macaashiineynin.

Mohamed Hagi

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here