Dhibaatooyinka Ay Gaadiidka Yar Yar Ee VITZ-ta Ama Dukhaanku Ku Hayaan Shacabka Somaliland

0
1193

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa sanadihii ugu dambeeyey dalkeenan Somaliland aad ugu soo fara-batay baabuurta yar yar ee loo yaqaano Vits- ta Ama Tukhaanka, Iyada oo ay inta badan ay wataan dhalinyaradu, Inkasta oo ay Dadka Qaarna Marka Ay Dacaayadaynayaan Siiba Dadka Waaweyn Qaar Ay Yidhaahdaan, Baabuurkan Yar Ee loo Iibiyey waxa loogu iibiyey kan yar ee dhalin yarta ah in aanu tahriibin, sidaa daraadeedna ay yidhaahdaan ” Hooyo Joog Ha Tahriibine”

 

Marka aynu intaas kasoo gudubno Waxaa baabuurtan yar yar inta ugu badan wata dhalinyar oo ku shaqaysta laakiin waxa ay caqabadu ka taagan tahay dhalinyarta wata baabuurtani intooda badani waa kuwo aan khibrad u lahayn wadista baabuurta ama aan ka soo bixin dugsiyada wadista baabuurta Oo inta ay labo ama saddex cisho Garoonka la tageen baabuur ay saaxiibkood kasoo kaxaysteen iyaga oo aan si fiican u baran naftiisa ku qanciya waad ka xayn karaysaa, ka dibna sidaas ugu dhaca baabuur nooca loo yaqaano tukhaanada ah, akhristayaal waxaad halkan ka dheehan kartaan in marka uu inankii yaraa ee dhalinyarta ahaa isaga oo aan khibrad badan lahayn uu gaadhigii ku dhaco ama kaxaysto khasaare intee le’eg ayuu gaysan karaa oo mood iyo noolba leh,

 

Mida kale waxaynu haysanaa wakhti fiican oo aynu wax walba kaga faa’iidaysan karno Waayo Wadamo badan oo Mandaqadan aynu ku naalo ah ayaan haysan fursada uu haysto inanka dhalinyarta ah ee ku nool gayiga somaliland.

 

Waxaad wada ogsoon tihiin in dad badan oo uu galaaftay gaadhigan yar ee tukhaanku ay u yaalaan dhakhaatiirta somaliland, markasta oo ay dhibi timaadana waxa la raadiyaa sidii looga Samata Bixi Lahaa Ama loo kaantarooli lahaa, Guud Ahaan Somaliland inta wadata Baabuurta yar yar ee tukhaanka loo yaqaano hadii la baadho inta liisamada sidata iyo inta aan sidan waxaa badan inta aan sidan liisamada ee iska wadata baabuurta iyaga oo aan dugsi lagu barto wadista baabuurtana ka soo bixin.

 

Waxa iska yar Dadka inta kasoo Baxda Dugsiyada Barashada Baabuurta yar Yar, Maanta Caasimada somaliland ee hargaysa waxaa ka jira intaas oo iskuul ha kala da’ weynaadaane, iskuuladan oo Qaarkood Shaqaynayeen Ilaa intii Wadanka Lagu Soo Noqday Qaar kalena ay Yihiin kuwo kasoo daba kacaamay, Mid ka mid ah Iskuulada Wadista Baabuurta Ee Caasimada hargaysa Oo Ah iskuulada ugu caansan uguna qadiimisan ee dad badan soo saartay waxa ka mid ah Caalami Najax, Waxaanay ardaydooda casharada kusiiyaan Garoonka Baxsane Ee Xaafada Dhuruqaanta Oo aan ku Booqday Maanta Mar ay xiisado bixinayeen,

Guntii iyo geba gebadii Muhiimadu waa in xirfad uu lahaa daa ninka dira-walka ah ee dhalinyarta ah waa laga maarmaan waxaanay u tahay naftiisa iyo ta dadka kaleba.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here