Farmaajo Oo Ku Marr-gadday Soo Magacaabista Raysal Wasaare Cusub

0
680

Muqdisho (Hargeisa Press): Muddo 35 maalmood ah ayaa ka soo wareegtay markii golaha Shacabka federaalka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Waxaana sidaa ku dhacday xukuumadii Xasan Cali Khayre, oo muddo saddex sanadood iyo dheeraad dalka ka talinaysay.
Marka raysal wasaare xilka laga qaado, ee ay xukuumadiisuna dhacdo waa in muddo bil gudaheed ah lagu soo magacaabo raysal wasaare cusub, oo soo dhisa xukuumad cusub.
Sida uu dhigayo dastuurka federaalka ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.
Laakiin, madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laga soo weriyay in uu ku doodayo in aanu qodobkaasi ku jirin dastuurka Soomaaliya.
25-kii bishii Jully ayay ahayd markii golaha shacabka federaalka Soomaliya ay xilka ka qaadeen raysal wasaare Khayre, oo xiligaa safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Xilka qaadista Khayre, ayaa ahayd mid ku timid si kedis ah, oo aan la filaynin.
Iyadoo xataa aanay marka horeba arrintaasi ku jirin ajendaha golaha oo ahaa in ay ka doodaan doorashooyinka la qorsheeyay innay Soomaaliya ka dhacaaan sanadaha soo socda.
Balse, markii fadhiga goluhu furmaya waxaa is bedelay jawiga golaha. Kadib markii shir-guddoonku miiska soo dhigay xil ka qaadista raysal wasaare Xasan Cali Khayre, iyo xukuumadiisiiba.
Taasoo xildhibaanadda badankooda lama filaan ku noqotay.
179 xildhibaan oo fadhigaa ku sugnaa ayaa 170 ka mid ah ay u codeeyeen in la rido xukuumadii Khayre, halka 8 mudane ay diideen. Cid ka aamustayna aanay jirin.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay xilka qaadista Khayre, isla maalintii la riday ba.

Waxaanu balan qaaday in uu muddo gaaban ku soo magacaabayo raysal wasaare cusub.

Muddo dhaafka soo agacaabis la’aanta Farmaajo, ee raysal wasaare cusub ayaa loo arkaa in uu madaxweyne Farmaajo ku margaday cidii uu u xulan lahaa jagadaasi.
Maadaama oo bil iyo dheeraad uu dalku raysal wasaare la’aan yahay.
Taasoo aan hore uga dhicin dalka Soomaaliya, in raysal wasaare la’aan uu dalku ahaado.
In ay Laf dhuun gashay ku noqoto Farmaajo, soo magacaabista raysal wasaare cusub ayaana markhaati u ah in xil ka qaadista Khayrex ahayd mid deg deg ku timid, isla markaana aan la sii qorshaynin cidii lagu bedeli lahaa.
Sababtoo ah,ma jirin khilaaf soo shaac baxay oo u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Khayre.
Inkastoo ay jirreen warar hoose oo sheegayay in uu muddo soo jiitamayay khilaaf u dhexeeyay labada masuul.
Dhawr arrimood ayaa loo aanaynayo in Farmaajo uu muddo sidan u dheer ku soo magacaabi waayo raysal wasaare.
Waxaana ka mid ah, in madaxweynuhu uu ku mashquulsan yahay sidii goleyaasha baarlamaanka uga heli lahaa muddo kordhin.
Sida ay tilmaamayaan aqoon yahamiinta falan qeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya.


Maadaama oo muddo xileedkii la doortay isaga iyo goleyaasha Aqalka sare iyo golaha shacabkaba uu kaga eeg yahay dabayaaqadda sanadkan.
Dhinaca kale guud ahaanba dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku nool gudaha dalka Soomaaliya ayaa maalmahanba u dheg taagaya soo magacaabista raysal wasaaraha cusub.
Iyadoo ay dadweynuhu si aada u hadal hayaan arrintaasi, isla markaana ay bulshadda ka dhex socdaan doodaha la xidhiidha qofka uu noqonayo raysal wasaaraha cusub.
Waxaana soo baxayay todobaadkii u danbeeyay warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in madaxweyne Farmaajo, uu Prof. Cali Maxamed Geedi, oo hore raysal wasaare uga soo noqday dawladii C/laahi Yuusuf.
Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin iyo aqoon yahano kale oo la saadaalinayo in loo magacaabo jagadda raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli dadweynaha Soomaaliyeed ay ka dhur-sugayaan soo magacaabista raysal wasaare cusub, oo soo dhisa xukuumad.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here