Somaliland: Qalab Lagula Soconaya Baaxadda Dhibaatadda Shoocaaca Taawarradda Isgaadhsiinta

0
570

Hargaysa (Hargeisa Press): Marar badan ayay dhacday in bulshadda Somaliland ee magaalooyinka ku nool in ay cabasho ka muujiyeen dhibaato caafimaad darro ka soo gaadhay Taawaradda ay isticaalaan shirkadaha isgaadhsiintu.
Inkastoo aan si rasmiya loo cadaynin jiritaanka halista caafimaad darro ee ay Birraha Anteenooyinku u keenaan aadanaha.

Wasaaradda Boosaha iyo Tignoolajiyadda Somaliland ayaa maanta daah-furtay qalab lagu maamulayo hirarka shoocaaca Taawaradda ee ay isticmaalaan shirkadaha isgaadhsiintu.
Qalabkan oo ay dhawaan wasaaradda dalka keentay ayaa la sheegay in uu awood u leeyahay in lagu ogaado khatarta shocaaca ay dadka u keeni karaan Taawaradu.
Waxaana qalabkan looga faa’iidaystaa maamulka khayraadka dabiiciga ah ee Hawadda.

Adeegani oo ay hadda isticmaalaan 23 wadan oo qaarrada Afrika ka tirsan, isla markaana Somaliland ay hadda ka mid noqotay dalalkaasi.


Sida uu sheegay wasiirka isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. C/weli sheekh C/laahi Suufi, oo hadal ka jeediyay xafladii lagu shaacinayay qalabkan cusub.

Soo iibinta qalabkan ayaa laga maalgeliyaybmiisaaniyadda qaranka Somaliland.

Halkan Ka Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here