Farmaajo oo Xayiraad Ku soo Rogay Hay’addaha Dowladda

0
1392

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wareegto Madaxweyne, waxaa uu hay’addaha Dowladda Soomaaliya uu kaga joojiyay in ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Farmaajo, ayaa sheegay isagoo tixgalinaya habsami u socodka doorashada Soomaaliya inuu hakiyay ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’addaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in ay reebban tahay, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’addaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka Soomaaliya, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wareegtada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in heshiis ama is-afgarad ganacsi aan lala gali karin dowladdo inta doorashooyinka lagu  jiro.

Hoos ka akhriso wareegtada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:

1- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2- Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3- Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

4- Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii January 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxeexi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xidhiidha ka macaashka hantida danta guud.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here