Itoobiya oo Dhoofinta Tamarta Ka Heshay 90.53 Milyan oo Dollar

0
1068

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Itoobiya, ayaa waxay kasbatay 90.53 milyan oo doollar oo ay ka heshay dhoofinta tamarta intii lagu jiray sannad maaliyadeedka la soo gabagabeeyay ee 2020/2021.

Moges Mekonen, Agaasimaha Isgaadhsiinta ee Korontada Itoobiya (EEP), ayaa sheegay in dakhligan uu ku soo baxay dhoofinta tamarta ee Jabuuti iyo Suudaan.

Mekonen wuxuu sheegay in tani ay tahay dakhligii ugu badnaa ee ka soo xarooda dhoofinta tamarta ee bariga Afrika uu kasbaday dalka Itoobiya, iyadoo dakhli sanadeedka maaliyadeed ee hore aanu ka badnayn 70 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Khamiista, EEP waxay shaaca ka qaadday qorshayaal ay ku iibineyso 1,000 Megawatts oo tamar ah waddamada deriska ah ee bariga Afrika.

Dhoofinta tamarta ee Itoobiya, ayaa qayb ka ah qorshe ballaadhan oo dhaqaale ahaan lagu mideynayo gobolka Bariga Afrika iyada oo loo marayo koronto.

Waaxda tamarta, ayaa ka mid ah ahmiyadaha ugu horreeya ee Itoobiya iyadoo waddanku uu ku talo jiro inuu noqdo xarunta wax soo saarka fudud ee Afrika iyo dhaqaalaha dhexdhexaadka ah marka la gaadho 2025.

Itoobiya, ayaa u aqoonsatay biyaha, dabaysha, biyo soo saarka, qoraxda iyo noolaha mashaariicda tamar dhalinta.

Dalkan ku yaal Bariga Afrika wuxuu ku dadaalayaa inuu kordhiyo awoodiisa dhalinta korontada oo hadda ah 4,200 MW ilaa 35,000 MW marka la gaadho 2037.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here