Cali Waran Cadde oo Shaaciyay In Madaxweyne Biixi Dabadii Uu Xukumayo Kulmiye

0
1999

Hargeysa (Hargeisa Press) – Siyaasi Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo sheegaya inuu diiday soo jeedin ku saabsan Mustaqbalka hoggaanka xisbi xaakimka talada dalka haya ee Kulmiye.

Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay warkaasi laga faafiyay, waxaanu sheegay in dadaal loogu jiro sidii la isaga horkeeni lahaa bulshada Somaliland loona kala qaybin lahaa.

Waxaa kaloo uu sheegay in hay’addaha nabad gelyada uu ka codsaday  in ciddii arrintaasi ka dambaysay dag dag loo ogaado oo loo soo qabto.

Siyaasi Waran Cadde, waxaa uu tilmaamay in aanay suurto gal ahayn inuu waxka sheego xisbiga Kulmiye.

Geesta kale, Siyaasi Waran Cadde, ayaa shaaciyay in ka mid yahay raga mustaqbalka bedeli doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee xukumi doonaa xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here