Farmaajo iyo Kooxdiisa oo Lagu Eedeeyay Inay Maleegeen Dilka Xildhibaan Aamina

0
650

Beledweyne (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Soomaaliya, ayaa waxaa ay si adag uga hadleen geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo xalay lagu dilay magaalada Beledweyne.

Siyaasiyiintan iyo Xildhibaanadan, ayaa waxaa ay Farmaajo iyo kooxdiisa ku eedeeyay inay ka dambeeyeen islamarkaana ay soo maleegeen dilka Xildhibaan Aamina.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa si toos ah Villa Somalia farta ugu fiiqay, sidoo xildhibaanada kala ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Macalimuu iyo bulsho kale oo aad u badan, ayaa qoraalo ka soo saaray geerida Marxuumad Aamina.

Ugu horeyn Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yidhi, “Waxaa caadi ah miyaa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al-Shabaab. Miyaan aqbalnaa oo hore u soconaa? Hadda yaa ah Al-Shabaab. Khaarijintaan waxaa fuliyey Villa Somalia, wax kale ma jiraan. Allah ha u naxariisto xildhibaan Aamina.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa yidhi, “Aamino waxay ahayd shakhsi dulmiga diiday, caddaaladda u hiilliyay una taagnaa difaaca xuquuqda muwaadinka, taasina waxay ka dhigtay geesiyad ku nool damiirka shacabka Soomaaliyeed. Maanta ayaan ka digay weerarrada abaabulan ee lagu beegsanayo dadka dulmiga diiday ee difaacayay xuquuqda muwaadiniinta, si loo cabsi geliyo inta aamusan, ama ku fikiraysa in doorashada soo socota ay isbeddel ka u hiiliyaan.”

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa intaas ku sii daray, “Mar kale ayaan ku celinayaa, Raysal wasaare Rooble iyo xukuumaddiisa waa in ay qaadaan tallaabooyin masuuliyadda amniga lagaga saarayo gacanta kuwa  argagexisada la shaqaynaya ama ku hawlan fulinta ajandayaasha shakhsiga ah. Haddii aydaan qaadi karin, fadlan dadka yaan la hoosaasin oo u caddeeya in aadan awoodin.”

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa yidhi, “Ikraan Tahliil way marjiyeen, Aamina way isku miidaamiyeen, shaki maleh inay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa isna yidhi, “Aamina ka sokow in ay aheyd haweeney aqoonyahan ah, dhiirran, u taagnayd Difaaca iyo u qareemidda gabdhaha hadana waxa ay ahayd Macalin iyo barbaariso. 10 sano ka hor wareysi aan ka qaaday waxa ay dhiirrigalineysay waxbarashada gabdhaha. Waa in si dhab ah loo baaraa ,loona soo helaa dhagar qabayaashii ka danbeeyay dilka Xildhibaanadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here