Madaxweyne Biixi: “Somaliland Waxay Xidhiidh La Yeelanaysaa Dalalka Caalamka, Marka Somalia Laga Reebo”

0
1235
Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Mudada Burburka Xisbiyada
Madaxweyne Biixi

Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu sheegay in dal kasta oo adduunka ku yaalla ay la yeelanayaan xidhiidh, marka laga reebo Soomaaliya oo uu ku tilmaamay cadowga koowaad ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu Mareykanka ku siiyey Shabakadda AXIOS, waxaanu madaxweynaha Biixi uu ugu baaqay maamulka Madaxweyne Biden inuu xafiis ka furto Hargeysa si ay ugu soo biiraan lix dal oo UK ka mid tahay oo xafiisyo ku leh Somaliland.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay dal kasta oo ay la kulmaan soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay majeeranayeen horumarka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, hase ahaatee la waayey waddankii bilaabi lahaa aqoonsiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ku dooday in Somaliland ay maalin uun heli doonto dalkii ugu hor-dhawaaqi lahaa ama baallalayn lahaa ictiraafka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dal waliba maalin soo galay khariirada caalamka, Somaliland ay rajaynayso in xilligeedii yimaado.

Wuxuu tilmaamay Madaxweyne Biixi in sagaal wareeg oo wadahadal ah ay yeesheen Soomaaliya, kuwaasi oo aan horumar laga gaadhin, islamarkaana aanay jirin wadahadallo dambe oo ay yeelanayaan mustaqbalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qabsoomeen 8 doorasho oo si xor ah u qabsoomay islamarkaana xukunka loola kala wareegay si nabdoon.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu ku dooday in saboolnimada iyo aqoonsi la’aantu ay saameyn karaan dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu sheegay in ay Mareykanka la yeelanayaan iskaashi iyo wax wada qabsi ku wajahan dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha, kuwaasi oo ay soo jeediyeen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Mareykanka.

Shabakadda AXIOS, waxay sheegtay in socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku tagay Washington ay Somaliland ka faa’iiday ifafaale wanaagsan oo la xidhiidha sidii Mareykanku cilaaqaad ula yeelan lahaa Somaliland oo ku taalla bogcad muhiim ah oo Shiinuhu isku ballaadhinayo.

https://www.axios.com/somaliland-independence-recognition-us-22d1c767-8613-4aab-84c0-6e123335c2a8.html

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here