Fadhigii Golaha Wakiilada Oo Maanta Lagaga Dooday Heshiiska Dekeda Berbera Ee Xukumadda Somaliland Usoo Gudbisay Golaha

0
778

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxay kaga doodeen heshiiskii dekeda berbera ee xukuumadda Somaliland la gashay shirkada Dp World taasi oo doraad ay xukuumaddu usoo gudbisay golaha wakiilada.

 

Waxaana kalfadhigan maanta oo ay badiba kasoo xaadireen mudanayaasha golaha wakiiladu hogaaminayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo ay hareeero fadhiyaan labadiisa ku xigeen.

 

Waxaana ay xildhibaanadu ka doodeen isla marka afkaartooda siyaabo kala duwan uga dhiibteen heshiiskan golaha loosoo gudbiyay ee ku saabsan dekeda berbera.

 

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa inta ugu badani waxay xukuumadda Somaliland usoo jeediyeen in golaha la keeno heshiiskii saxda ahaa ee ay kala saxeexdeen xukuumadda iyo shirkada DP World,iyaga oo sidoo kale ka dhawaajiyey in golahii wasiirada ahaa ee horyimi goluhu ay hadalo iskhilafsan ka bixiyeen heshiiska.

 

Gabagabadiina waxa  golaha ka dhashay buuq iyo sawaxan badan taasi oo ay xildhibaanadu buuqeen isla markaana kaliftay in gudoomiye Cirro ku dhawaaqo in kalfadhigu xidhan yahay.

 

Xildhibaanada golaha ayaa maalinta bari ah u balamay inay sii socoto ka doodida heshiiska dekeda berbera.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here