Maaligashigu Waa Darajo Dawladnimada Lagu Qiimeeyo, Laakiin Waxa La Diidan Yahay Ku Daabacan Baal Madaw Ku Daawadey Meel Madaw. Faalo, Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
1035

Dadka  waxa  ku  soo  dhacay

Daruustii   la  barayoo,

Daarihii  burburey  shaley

Waxa  maanta  kaga daran

Iimaan  daraantiyo

Nabaad- guurka  diintiyo

Kaga  dhacay  damiirkoo

Dal  waxaan  ku  noolahay

Saddexdii  dalqadood

Lagu  furey  adanimadii

Dal  waxaan  ku  noolahay

Runtu  arag  daraysoo

Daadihi  la yidhi  been,

Haday  dunida  ceeb  tahay

Dus-duskiyo  khiyaamadu

Noo  dabeecad  weeyaan

Nin  dilaala  mooyee

Degmadaan  ku  noolahay

Nin  daryeela  yidhaahda

Duli  buu  ka  qoran  yahay

Nin  lagu  ducaystiyo

Mana  laha  nin  dooroo

Dayixii  u  soo  baxa

Daamur  baa  la  mariyaa

Mooraalkana  laga  diley

Danabyadii  u  kici  lahaa

Markii  geela  loo  direy

Ninkii  maqasha  daayacey,

Allaha  u  naxariistee  waa  maansadii  dabataxan  iyo  marxuum  macalin, maansoyahan,  maxamed  xaashi  dhamac  (Gaariye),  bacda  arar  iyo  abaarta  halkaan  maanta  beegsanayo  oo  ah  Maalgalinta  Dakada  berbera  oo  ay  maalmahan  dood  fara  badani  ka  taagnayd  taasi  oo  ka  dhalatey  waxoogaa  Is  af-garanwaa  dhinacyada  golaha  xeer  dajinta,  shicibka,  iyo  xukuumada,  Run  ahaantiina  waxa  dhinacyadani  ay  isku  qabteen  qeexid  la,aan  sharciga  iyo  xeerka  waafaqsan  oo  aan  lagu  sameyn  Heshiiska  xataa  golihii  sharci  dajinta  ee  isagu  xaqa  u  lahaa  naaqishaadiisa.

 

Hadaan  eegno  ugu  horeyn  maalgalinta  caalamiga  ah  ee  Dal  laga  hirgaliyo  waa  faa,iido  weyn  oo  waxtarkeeda  mudan  Dawlada  Somalilandna  u  samaynaysa  sumcad  iyo  in  beesha  caalamku  aaminto  laakiin  waa  hadii  heshiiskaa  ay  dawladu  gashey  sideeda  u  fuliso,  oo  marka  dhinacaa  laga  joogsado  waa  fursadaa  dahabiga  ah  balse  waxa  yara  jira  mad-madaw  dhinaca  masuuliyiinta  xukuumada  hawshan  u  qaabilsan  iyo  madaxtooyada  oo  daba  ka  riixaysa,  Laakiin  aan  umadii  waxba  ku  qancinayn  oo  ku  kala  hadlaya  tiraabo  is-burinaya  iyo  deex  aan  madasha  maalgashiga  Waafaqsanayn  tanina  waxay  sababtey  muran  badan,  kalsooni  daro,  iyo  xogagaalo  soo  baxey  oo  DHabarka  ka  jabiyey  masuuliyiintii  iyo  madaxtooyadii  dawga  xaadhanayey  aakhirkiina  waxay  dareen  galisey  shacabkii.

 

Waxa  dib  u  dhaca  heshiiska  iyo  ku  rafashadiisa  sabab  u  ah  xubnaha  golaha  wasiirada  ah  ee  Baarlamaanka  iska  hor  tagey  yagoon  haba  yaraatee  aan  wax  xaqiiqa  gacanta  ku  hayn,  Soomaali  ahaana  waxa  inoo  caada  ah  inuu  ninku  gartiisa  sii  akhristo  ka  hor  intaanu  tagin  goobta  lagu  qarnaqayo,  sidey  iila  muuqatey  waxa  lagu  amrey  ordoo  yaaca  oo  inasoo  difaaca  laakiin  yaga  Laftarkoodu  tirada  kumey  darsan  waar  horta  maxaynu  difaaceynaa,  Maxaanse  ka  difaaceynaa  Loomana  dhiibin  oo  waxba  kama  oga  hadana  wey  difaacayeen  arintaasina  waa  ta  dareen  galisey  Ilaa  Maatidii  iska  kaa  qof  weyne.

 

Lama  Diidana  Iney  wasiiradu  difaacaan  xukuumadooda  iyo  hawsha  ay  faraha  ku  hayso  balse  waxa  ka  dhiman  ogaanshihii  waxay  difaacayeen  waayo  dunida  lama  arag  shey  bilaa  (DIFINATE  ARTICLE)  sheegaya  ama  nuqulo  heshiiska  wixii  labada  dhinac  isku  waafaqeen,  hadaaney  ognayna  aftahamo  iyo  is  daad  raacin  ayaa  lagaga  dabaashaa  balse  taasina  wey  ku  guuldareysteen  xubnihii  wasiirada  ahaa  oo  aan  odhan  karno  ku  feegaridii  madaxtooyada  wey  ku  fashilmeen.

 

Waxaan  soo  jeedin  iyo  talo  uga  dhigeynaa  in  ay  madaxtooyada  jamhuuriyada  Somaliland  ay  meesha  ka  saarto  mad-madawga  iyo  deelqaafka  ku  jira  ee  shaandhadu  qabatey  isla  markaana   ka  soconwaayey  markey  golayaasha  u  soo  direen  xubno  kala  didsan  oon  waxba  isku  ognayn  marka  Laga  reebo  odeyga  Dr.  sacad  cali  shire  la  yidhaa  oo  isagu  daacad  Hadley  maqluuna  ku  jawaabey,  inta  kale  waxay  ahaayeen  kuwuu  gaariye  lahaa(   MARKII  GEELA  LOO  DIREY  NINKII  MAQASHA  DAAYACEY)  Maanta  dadku  niman  fara  badan  oo  aan  dhaliili  jirney  weynala  qaateen  waxaaney  waxba  la,aantooda  oo  waa  kuwaa  xukuumadii  soo  dirsatey  khashifey.

 

Walaw  ay  shacabka  iyo  cidkastoo  reer  S/landna  ay  jaanis  u  tahay  muhiima  maadama  shaacir  iyo  DHaraar  cad  la  qabtey  kala  hadalkoodii  iyo  is  maandhaafkii  hadalada  aan  loo  meel  dayeyn  ee  lays  lahaa  malaha  maati  baad  u  sheekaynaysaan,  Madaxtooyada  ku  hungawdey  majaro  habaabintii  qaranka  wxaan  leenahay  adeer  Ilaahey  ka  baqoo  maanta  cadaalada  fiirsada  idinkaa  shookaantii  hayee  teeda  kale  ogaada  wax  badso  wax  beel  bey  dhashaa,  Mida  labaad  dadku  ma  diidana  maalgashiga  ee   waxay  diidayaan  hilaab   xumaantiina  iyo  qaabka  daran  eed  u  huursateen  mid  ka  mid  ah  ilihii  muhiimka  ahaa  ee  dalka  wreejintiisii,  oo  yadu  ahayd  in  dadka  loo  soo  bandhiga  wax  cad  oo  qeexan  iyo  golaha  Xeer  Dajintoo  La  Geeyo  nuqulo  dhameystiran.

 

W/Q: C/raxmaan  Sayid  Faarax  (jeesto)

Diplomatic  Annalysts

Gabiley: Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here