Edna Aadan oo Qadiyada Somaliland U Soo Bandhigtay Boqortooyada Ingiriiska

0
2419

London (Hargeisa Press) – Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo si weyn ugu ololaysaΒ qadiyadda madax-banaanida Somaliland, ayaa waxaa ay kulan balaadhan la yeelatay Amiirka dhaxal sugaha Boqortooyada Ingiriiska, Amiir Charles.

Kulanka Marwo Edna Aadan iyo Amiir Charles oo aan la shaacin, ayaa lagu soo qaaday qaddiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh qoto dheer la leh Boqortooyada Ingiriiska.

Edna Adan oo Amiirka dhaxal sugaha Boqortooyada Ingiriiska kula kulantay shirka Barwaaqo-sooranka ee ka furmay magaalada Birmingham ee dalka UK, ayaa Amiirka u soo bandhigtay qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Drs. Edna Aadan Ismaaciil waxa ay xustay in shacabka Somaliland oo aan taageero dhaqaale ka helin bulshada caalamka ay iskood u hirgeliyeen nidaamka dowladnimo oo shaqaynaya iyo xasilooni buuxda oo ay ku naaloonaysay muddo 31 sanno.

Amiir Charles, ayaa dhankiisa balanqaaday inuu si weyn uga shaqayn doono arrinta qadiyadda Somaliland, islamarkaana ay boqortooyadda dalka UK qayb weyn ka qaadan doonto sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf.

Kulankan, ayaa ku soo beegmaya dhawr maalmood ka dib kulan ay Marwo Edna Aadan la yeelatay xubno ka tirsan golaha Guurtida Faransiiska oo lagaga hadlay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo arrimo kale.

Edna Aadan Ismaaciil oo kaalin muhiim ah kaga jirta Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, laguna tilmaamo shaqsiyaadka astaanta u ah Qaranimada Somaliland, ayaa kulanka ay la yeelatay Amiirka dhaxal sugaha Boqortooyada Ingiriiska, Amiir Charles, ay wax weyn ka tari doontaa dedaallada ay Somaliland ugu jirto sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha Caalamka.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here