Dowladda Taiwan oo Somaliland Ugu Yaboohday $500,000 oo Dollar

0
1554

Taipei (Hargeisa Press) – Dowladda Taiwan, ayaa Somaliland ugu yaboohday lacag dhan $500,000 oo dollar oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa Arbacada maanta ah shaaca ka qaadday in dowladdeedu sidoo kale kala shaqayn doonto dalalka kale ee ay isku fikirka yihiin si wada jir ah Somaliland uga caawiyaan dib u dhiska suuqa mustaqbalka.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, Joanne Ou, ayaa sheegtay in dabkan uu si ba’an u saameeyay nolosha kumannaan qof, waxaana Taiwan ay ballan qaaday in ay ku deeqday gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah oo la gaadhsiiyo dadka uu saameeyay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan uga mahad-celisay deeqdan, waxaanay sheegtay inay qabanqaabin doonto munaasibad dadweyne oo si rasmi ah lacagtaas loogu wareejinayo.

Sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland, waxa burburay guud ahaan 1,000 dukaan iyo 4,200 oo meherado iyo miisas ku yaallay suuqaas, waxaana waxyeello soo gaadhay dad ka badan 17,000 oo qof oo si toos ah ugu tiirsanaa suuqa.

Dad badan iyo sidoo kale bulshooyinka caalamka, ayaa si isku mid ah u ballan qaaday taageerada dib u dhiska suuqa 4-aad ee ugu weyn Geeska Afrika kaas oo ay mas’uuliyiintu ku qiyaaseen in saameyntiisa dhaqaale uu gaadhayo US$2 bilyan. Suuqa ayaa ka kooban 60 boqolkiiba wax soo saarka guud ee dalka Somaliland.

Xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland, ayaa sii xoogaysanayey sannadihii la soo dhaafay, iyadoo Taipei ay xafiis wakiil ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa Aug. 17, 2020, iyada oo Somaliland ay xafiis ka furatay Taipei bishii ku xigtay ee 9-kii Sebtember.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here