Muqdisho (Hargeisa Press) – Waxaa hadda teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan 7 Musharax.
Musharaxiinta is diiwaan gelisay oo markii hore ahaa 8-xubnood, waxaa tartanka iskaga hadhay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada Soomaaliya, Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii aanu Musharrax helin 50+1 oo ah 139, tiradaas oo ah cod dheeri.
Masuuliyiin ku sugan teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay sheegeen in hadda is faham laga gaadhay is qabqabsigii salka ku hayay codeynta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.
16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq, ayaa laga reebayaa codeynta doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya, maadaama ayna haysan aqoonsiga golaha ee ID-kadhka.
Hoos ka daawo muuqaalka doorashada