Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Markii Ugu Horeysay Yeelanaya Ciidan Kamaandoos Ah

0
855

Jigjiga (Hargeisa Press)- Waxaa markii u horeysay dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya yeelanayaa Ciidan gaar ah oo loo tababarayo Kamaandoos, kuwaas oo ka hawlgalaya magaalada Jigjiga iyo hadba meeshii ay dhibaatooyin gaar ahi ka jirto.

Haddaba Ciidankan ayaa hadda tababarkoodu waxa uu kasocdaa Xerada Tababarada Ciidanka ee Garab case, waxayna qayb ka yihiin Ciidanka cusub ee Booliska gaarka kuwaas oo tababar uga socodo isla xeradan Garab case.

Ciidankan Kamaandoosta ah ee Degaanku yeelan doono oo tiradoodu gaadhayso 250 ayaa markay tababarka dhammaystaan waxay ka hawlgali doonaan kolba meeshii looga baahdo oo u badnaan doonta magaalada.

Booliska gaarka ah iyo guud ahaan Ciidamada amniga ee dawlad degaanka Soomaalida ayaa waayadan dambe aad loo tayeeyay iyadoo tababaro garaadkooda iyo aqoontooda kor u qaadaya lasiiyay, sidoo kalena lagu soo kordhiyay hadda qaybtan gaarka ah ee Kamaandoosta oo la filayo markuu tababarkani dhawaan usoo dhammaado in ay wax badan ka badalayaan amniga magaalada Jigjiga.

 

Hargeisa Press Desk/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here