Maxkamadda ICJ oo Go’aan Ka Gaadhi Doonta Codsiga Mar Kale Ka Yimid Kenya Ee Dib U Dhigista Dhageysiga Kiiska Badda Ee Kala Dhexeeya Somalia

0
579

Nairobi (Hargeisa Press)- Maxkamada Cadaallada Aduunka ICJ ayaa la filayaa in ugu danbeyntii go’aan ka gaadho xiisada mar kale ka soo dhex cusboonaatay Soomaaliya iyo Kenya ee dhageysiga Kiiska muranka Badda ee u dhaxeeya labada dowladood.

Dowladda Kenya ayaa mar kale soo gudbisay dalab ku aadan in dhageysiga Kiiskan dib loo dhigo ilaa bisha Sebtember 2020-ka, laakiin Soomaaliya ayaa diiday dalabka Kenya iyadoo ka codsatay Maxkamada in dhageysiga Dacwadda la qaado wakhtiga lagu balamay oo ku beegan 04 November, ee isla sanadkan 2019ka.

Ismari-waaga labada dowladdood  ee dib u dhigis mar labaad lagu sameeyo dhagaysiga dacwadda, ayaa keentay marka danbe Maxkamadu u sheegto in ay iyadu gaadhi doonto go’aanka kama danbeysta ah.

Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya dalbato in dib loo dhiggo dhageysiga Dacwadda Badda iyadoo hore cod uga yimid Kenya awgeed Maxkamadu u go’aansatay in Laba bilood dib loo dhigo la bilaabo dhageysiga Kiiskan.

Madaxweynayaasha labada waddan ayaa bishii hore ku kulmay magaalada New York intii uu socday kulanka Golaha Guud ee Qarramada Midoobay iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada hadlaan, halka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadda ICJ ay go’aan garsoor ka gaadho muranka  badda.

Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

Dadka sida weyn ugu dhuundaloola arrimaha doodda labada dowladdood ee la xidhiidha xudduud Baddeedka leysku hayo ayaa qaba In Kenya ayna kalsooni badan ku qabin go’aanka ay ka gaadhi doonto Maxkamada Kiiskan oo ay u aragto mid aan iyada u wanaagsaneyn, waana tan keenta in Kenya ka dalabto Soomaaliya in Kiiskan lagu xaliyo meel aan Maxkamadda aheyn [Wadahadal].

Laakiin Soomaaliya oo u muuqata mid kalsoon Maxkamada ayaa ku adkeysaneysa in ay ku qanci doonto go’aan walba oo ay maxkamadu ka gaadho Kiiskan.

 

Hargeisa Press Desk/Nairobi Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here