Dood Lagu Lafo-gurayo Fursadaha Somaliland oo Lagu Qabtay Washington

0
626

Washington (Hargeisa Press) – Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo maalintii todobaad ku guda-jira safarkoodii shaqo, ayaa waxaa ay kulan dood wadaag ah la qaateen Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Mareykanka.

Kullankan oo ahaa mid aad u muhiim ah, ayaa waxaa lagaga dooday Fursadaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu jira safarka Madaxweynaha Somaliland weftigiisa.

Kulankan, ayaa waxaa kale oo ka qayb qaatay Aqoonyahano Caalamiya, xubnaha weftiga wasiirada ah oo ay wehelinayaan Aqoonyahano taageera qadiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo sidoo kale Aqoonyahanada reer Somaliland oo uu ka mid yahay Pro Axmed Ismaaciil Samatar.

Waxaana kullankaas la isku waydaarsaday su’aalo la xidhiidha qadiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo guulaha la taaban karo ee ka soo hoyday safarka madaxweynaha iyo weftigiisa.

Hoos ka daawo muuqaalka dooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here