Kulanka Weftiga Madaxweyne Biixi iyo Jaaliyadda Reer Somaliland

0
802

Washington (Hargeisa Press)- Waxaa mardhaw la filayaa inuu bilaabmi doona kulanka koowaad ee ay yeelanayaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanku ay la yeelanayaan weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland.

Weftigaasi oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo maalmahanba hawlaha shaqo u jooga dalka Maraykanka.

Iyadoo isla caawana ay kulanka labaad oo casho Sharaf ah la yeelan doonaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo weftigiisa iyo jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka.

Wakhtiga Washington D.C oo hadda ah 9:30Am (Subaxnimo), marka loo eego Saacadda Geeska Afrikana ay tahay 4:30Pm (Galabnimo) taariikhduna tahay 19/03/2022 ayaad halkan nagala socon doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here