“Waxaan u mahad naqayaa wakiilka Somaliland u jooga dalkan Maraykanka Bashiir…”

0
405

Washington (HP): Weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland oo maalintii sideed weli safar ku jooga dalka Maraynkanka ayaa xalay kulan la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland ee ku kala nool Woqooyiga Qaaradda Ameerika.
Kulankaasi oo ka dhacay magaaladda Washington ayaa xubnaha weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay jaaliyadda u jeediyeen khudbado ay jaaliyadda ugaga warbixinayeen xaaladda dalka iyo muhiimadda safarka ay ku joogaan Maraykanka.


Munaasibadan oo ahayd tii labaad ee ay jaaliyadda Reer Somaliland maanta la yeeshaan weftiga madaxweynaha Somaliland, markii kulankaa laga soo baxayna waxa la gudo galay kulan madaxweynuhu ku qaabiley jaaliyadda.
Waxaana halkaa ka hadlay masiuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyey safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka, Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good, wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).


Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiisa, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandarre iyo Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud.
Waxaanay dhammaantood ba masuuliyiintaasi warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee dalka iyo muhiimada uu lahaa safarka maraykanka ay ku joogaan uga warbixiyey jaaliyadii ku sugnayd goobtaasi iyo bulshada reer Somaliland eek u kala dhaqan daafaha caalamka.
Ugu danbayntiina Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa la wadaagay jaaliyadda reer Somaliland iyo shacbi weynaha reer Somaliland.


Waxaanu madaxweynuhu ku dheeraaday ujeedka safarka maraykanka iyo guulihii laga gaadhay oo salka ku haya sidii labada Dal ee Somaliland iyo Maraykanku ay wax u wada qabsan lahaayeen iyagoo is garabsanaya.
Madaxweynaha ayaa jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool Woqooyiga qaarrada Ameerika ee kulanka la yeeshay weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Biixi, gaar ahaana dadkii lahaa masuuliyadda qaban qaabadda kulankaasi.
Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hadalkiisa mahad naqa jaaliyadda si gaar ah ugu xusay safiirka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Sheekh Cumar Good, oo uu ku amaanay inuu lahaa qaban qaabadda iyo soo dhawaynta weftiga uu hogaaminayo madaxweynuhu.

DAAWO: Khudbadii Madaxweyne Biixi Ee Jaaliyadda USA;


Hargeisa Press.com/hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here