Diyaaraddo Lagula Dagaalamayo Ayaxa Oo Soo Gaadhay Somaliland

0
1009

Hargaysa (Hargeisa Press): Saddex diyaarradood oo ah nooca lagula dagaalamo Ayaxa ayaa maanta soo gaadhay Somaliland.
Diyaaradahan ayaa loogu tallo galay in ay ka qayb qaataan wejiga kabaad ee la dagaalanka Ayaxa oo weli faro baas ku haya Somaliland.


Waxaana la qorsheeyay in diyaaradahani ay hawadda sare ka buufiyaan Ayaxa oo weli ku sii fidaya goboladda Somaliland.


Iyadoo ay dawladda Somaliland ka caawiyeen helitaanka diyaaradahan haayadaha USAID, Baanka aduunka, FOA iyo haayado kale oo ka tirsan UN-ka.


Saddexdan diyaaradood ayaa laba ka mid ah waxaa loo adeegsanayaa buurinta Ayaxa, halka ta kalena ay tahay nooca loo adeegsado sahanka meelaha Ayaxu ku badan yahay.
Inkastoo ay muddo dhawr bilood ah goboladda Somaliland buufinta Ayaxa ka wadeen laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, ayaa hadana diyaaradahan cusub ay ka duwan yihiin kuwii hore.


Sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa oo ay saddexdan diyaaradood ka soo degeen.
Wasiir Seed, waxa uu tilmaamay in diyaaradahani maanta soo gaadhay ay xawaare ahaan iyo baaxad ahaanba ka weyn yihiin kuwii hore.

Daawo: Warkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here