Ceel-Afweyn: MCH Laga Hirgeliyay Deegaanka Beer-wayso

0
585

Ceel-Afweyn (Hargeisa Press): Maayarka degmadda Ceel-afweyn iyo guddoomiyaha haayadda maxaliga ah ee TAAKULO ayaa dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelin doono deegaanka Beer-wayso oo hoos yimaadda Ceel-Afweyn.


Dhismaha MCH kan waxaa bilawgiisa hindisay haween ka soo jeedda deegaankaasi oo ku kala nool dalka iyo wadamadda dibadda.
Iyadoo kadibna ay la kaashadeen haayadda TAAKULO.


Cumar Jaamac Faarax, guddoomiyaha haayadda TAAKULO, ayaa ka warbixinaya sida uu ku yimid hindisahaasi.
Waxaanu yidhi, “Hindisahan muddo ayay soo wadeen haweenkani. Aniga muddo 6 bilood hadda laga joogo ayay ila soo xidhiidheen. Waxay hayeen lacag $10,000 oo dollar ah. Waxaanu rabnay in aanu dhisno 4 qol, 2 Suuli, xafiis yar, in la kordhiyo ayay ku tallo galeen.
Waanu isla qiimaynay. Mashruucu $35000 kun oo dollar ayuu ku kacayaa. Qalabayntiisii iyo Sarriirahiisii oo dhan baa ku jira. Qalabkiisii oo dhan waa la keenay”.
“Qalabka qaar na waxaanu waydiisanay haayado Austrelian ah, waanay noo soo rarreen. Sarriirihii iyo Furrashaantiina dekadda Berbera ayay ka soo degeen, dhawaan ayaana la idiin keenayaa.
Markuu dhismuhu dhamaada na, haayado kale ayaanu idinku soo xidhaynaa, oo dhakhaatiirtii, daawooyinkii iyo qalabkii iyo xukuumadda Somaliland oo naga balan qaaday, qorshahana ay ugu jirtay, in meeshan laga dhiso MCH. Way naga balan qaadeen in ay shaqaalihii iyo daawadaba keenaan”.


Mid ka mida haweenka bilaabay in ay iska soo ururiyaan dhaqaalaha lagu bilaabay dhismaha xaruntan ayaa ka warantay bilawgii arrintaasi.
Waxaanay tidhi, “Anagu waxaan nahay urur haween. Dumarkaasoo ka kooban dhamaanba haweenka deegaankani. Waxaanu go’aansanay in aanu deegaanka laga dhiso, MCH. Kaasoo baahi weyn loo qabay in halkan laga dhiso. Waxaanu bulawnay in aanu ururino qaadhaan, oo ganadh waliba wixii Biilkeedda ah, ama ha shaqayso, ama yaanay shaqaynine, ay ka soo jartay.
Qaadhaankaasi oo muddo sanad iyo dheeraad ah aanu ururinaynay. Kadib lacagtii noo ururtay waxaanu ula tagnay, haayadda TAAKULO oo 50% ayay noogu dareen, wixii aanu haysanay.
Lacagta MCH-kan ku baxaysaa waa $35000 oo dollar, oo ay iska kaashadeen haweenkaasi iyo haayadda TAAKULO”.
Geesta kale gabadh kaloo ka mida haweenka deegaanka Beer-wayso ayaa iyadna ka hadashay halkaas.


“Anagoo ah ururka haweenka deegaankan u dhashay iyo haayadda TAAKULO, waxaanu iska kaashanay xanaanadan laga dhisayo Beer-wayso. Kumaanaan keenin dhaqaale aanu hayno ama hanti aanu meel dhiganay, ama shaqaale in aanu nahay. Balse waxaanu keenay iska goyn lacageed iyo dedaal. Markii aanu aragnay baahidda taalla deegaankayaga iyo dhibaatadda caafimaad ee dadkayagii haysata. Waxaanu go’aansanay in aanu u dhisno goob caafimaad”.


Dhinaca kale maayarka degmadda Ceel-Afweyn C/raxiin Aw Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in aanay deegaankaasi ka jirin haba yaraatee wax adeegyo caafimaad ah.
Waxaanu yidhi, “Deegaankani wax adeeg caafimaad ahi kama jiro haba yaraatee, iyo deegaamadda Ceel-Afweyn ba. Waxaa is xil qaamay, oo feker wanaagsan la yimid ururka haweenka ee deegaankani. Hablahaasi mid waliba Biilkii carruurteedda ayay wax ka soo goysay. Waxaanan leenahay ILLAAHAY SWT miisaanka xasanaadka ha ugu darro.
Waxa kaloo aan iyad na aad iyo aad ugu mahad naqaynaa haayadda TAAKULO oo bixinaysa $50% kharashka MCH-kan lagi dhisayo”.


Guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaanka Beer-wayso ayaa si weyn u soo dhaweeyay xatuntan caafimaad ee loo hirgelinayo.
Taasoo ay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen. Waxaanay u mahad celiyeen haweenka deegaankaasi u dhashay iyo haayadda maxaliga ah ee TAAKULO oo iska kaashanaya hirgelinta MCH-kaasi” ayuu yidhi maayarka Ceelafweyn.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here