Dil Caawa Ka Dhacay Buuhoodle iyo Xiisad Colaadeed oo Ka Taagan Magaalada

0
1703
Magaalada Buuhoodle
Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle (Hargeisa Press) — Wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya nin ganacsatada magaalada ka mid ah lagu dilay halkaasi.

Waxaana la sheegayaa in dilka Ganacsadaha ay ka dhalatay cadho weyni islamarkaana ay magaalada ka dhacday rasaas xoogani.

“Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay nin ganacsade ah, taasina waxay keentay in inta badan magaalada xiisadi ka bilaabanto ganacsigiina xidhmo” sidaa waxaa sheegay Axmed Maxamed oo ganacsatada magaalada.

Xiisadan ayaa daba socota dilal todobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ka dhacay oo maalintii shalay la soo gabagabeeyey, iyadoo waan waan heshiiskaas ah lagu qabtay magaalada Buuhoodle.

Ilaa hada ma cada khasaare ay sababtay rasaasta danbe ee ka dhacday magaalada, iyadoo dadka qaarkii ay sheegayaan in rasaastu u badnayd mid lagu kala celinayo ciidamo ninka la diley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here