Dekedda Berbera oo Boqolkiiba 30 La Wareegaysa Baddeecadaha Itoobiya

0
2195

Berbera (Hargeisa Press)- Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay qorsheysay inay dekedda Berbera ay hanato Boqolkiiba 30 (Soddon) badeecadaha u socda dalka Itoobiya.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Deutsche Welle ee dalka Jarmalka, in heshiis la xidhiidha badeecadaha Itoobiya ee ka soo degi doona marsada Berbera ay labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya geli doonaan muddo lixdan maalmood gudahood ah.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi wuxuu xusay in dekedda Berbera ay leedahay jid toos ah oo si sahlan ugu xidhaya Itoobiya, taasina ay fursad iyo doorashada u wanaagsan u tahay dalkaas.

Waxa kaloo uu caddeeyay marka heshiiskaasi hirgelo sannadka hore ay Itoobiya boqolkiiba 30 baddeecadaheeda kala soo degi doonto dekedda Berbera.

Somaliland iyo Itoobiya, ayaa lagu wadaa inay labada bilood ee fooda innagu soo haya ku dhammaystiraan heshiiskii is faham ee ay hore u kala saxeexdeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo dhigaya inay Somaliland, Itoobiya ka kirayso 20km oo xeebteeda ka mid ah oo ay dowladda Addis Ababa ka samaysato Saldhig Millateri oo badda ah. Iyadoo Itoobiyana ay aqoonsan doonto madaxbannaanida Somaliland.

Heshiiskaasi, ayaa waxaa ku jira, iskaashi ballaadhan oo dhinaca dhaqaalaha ah oo ay yeellan doonaan labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here