DEG DEG: Hogaankii Nabad-geliyada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Madaxii Baratakoolka Madaxtooyada oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
2975

Jigjiga (Hargeisa Press) – Hoggaankii Nabadgelyada Xukuumadda Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa xabsiga loo taxaabay, kaddib markii uu Madaxweyne Mustafe Cagjar soo saaray digreeto uu xilka kaga qaaday.

Cabdicaadil Xasan Cabdi oo ahaa Hoggaanka Nabadgelyada oo maalmihii ugu dambeeyey la sheegayay inuu la saftay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Deegaanka oo khilaaf u dhexeeyo Madaxweyne Mustafe, ayaa xalay la geliyey xabsi guri ay ku ilaalinayeen ciidamo tiro badan, halkaas oo saaka loogu geeyey war-qaddii casilaadda ka hor intii aan loo qaadin jeelka dhexe ee asluubta.

Sida ay Warbaahinta Hargeisa Press u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Cabdicaadil ayaa jeelka dhexdiisa loogu geystay jidh-dil, waxaanu qabaa nabarro waaweyn oo ay gaadhsiiyeen ciidamadii ka qaaday gurigiisa, kuwaas oo gacanta ula tegay markii ay xidheen iyo xilligii ay guriga ka saarayeenba.

Lama oga sababta keentay jidh-dilkan, hase yeeshee waxa kale oo xalay xabsiga loo taxaabay Cabdiqaadir Bisle oo ah madaxa baratakoolka Madaxtooyada oo isagana lala xidhiidhiyey inuu la socdo dhinaca Madaxweyne ku-xigeenka iyo Cabdicaadil.

Maalmihii ugu dambeeyey waxa deegaanka ka jiray khilaafyo siyaasadeed oo culus oo gaadhay ilaa xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, kuwaas oo sababay in ugu dambayntii uu Madaxweyne Mustafe go’aan kalidii ah qaato oo uu xabsiga u taxaabo laba masuul oo xilal culus ka haya xukuumaddiisa.

Xilka hoggaanka nabad-gelyada ee deegaanka Soomaalida ayaa waxa hoos yimaadda masuuliyado badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Caddaalada iyo Arrimaha Gudaha, kuwaas oo dalalka ay qabtaan ilaa laba ama saddex wasiir.

Dhinaca kale, Madaxweyne Mustafe ayaa wareegto uu soo saaray waxa hoggaanka Nabadgelyada si-ku-meelgaadh ah ugu magacaabay Cabdillaahi Maxamed Cabdi (Cabdillaahi Dheere) oo ku-xigeen u ahaa Cabdicaadil.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xilkii ka qaaday Maareeriyihii TTC-da ee Dr. Abdimajid oo uu hayay Cabdillaahi Gisinle oo bilo ka hor loo magacaabay xilkaas kaddib markii laga qaaday wasiirka Warfaafinta deegaanka oo uu muddo sannad ku dhow ahaa.

Maareeyaha Cusub ee TTC ayaa waxa uu Madaxweynuhu u magacaabay Dayib Muxumed oo dhowaan laga qaaday Duqa Magaalada Jigjiga.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay Madaxa Sirdoonka Deegaanka iyo ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka oo laga dhigay Cabdi Siigaale iyo Xiri Maxamed Dool.

Khilaafkan ayaa ahaa mid soo taagnaa in muddo ah, waxaana xuduntiisu tahay maamul xumo iyo awood maroorsi ay Madaxweyne ku-xigeenka, Cabdicaadil iyo xubno kale oo Guddida Fulinta Xisbiga SDP  ka tirsanayeen Madaxweyne Mustafe Cagjar, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ku mashquulsan yahay waxyaabaha facebook lagu qoro iyo dad aan khibrad siyaasadeed lahayn oo waxa ay u sheegaan uu sidooda u qaato.

 

Hargeisa Press Desk/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here