Dowladda Sacuudi Carabiya oo War Ka Soo Saartay Qorshaha Xajka Ee Sanadkan

0
1585

Riyadh (Hargeisa Press)- Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya oo wareysi siiyey telefishinka dowladda ayaa dhammaan dadka Muslimiinta ah ka codsaday inay hakiyaan qorshahooda Xajka ee sanadkan illaa inta laga xaqiijinayo saameynta cudurka Coronavirus ee adduunyada ku faafaya.

Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada ayaa sheegay inay mudnaanta koowaad siinayaan badqabka qof walba oo soo booqanaya Xaramka Allah, wuxuuna xusay inay Sacuudiga mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan isla markaasna ay u adeegaan Xujeyda.

“Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumra u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka Cumrada, balse aan cumraysan,” Wasiir Benten ayaa sidaasi u sheegay telefishinka al-Ekhbariyah.

Qiyaastii 2.5 Malyan oo Xujey ah oo ka kala yimaada adduunyada ayaa sanad kasta taga dalka Sacuudiga iyagoo booqasho ku kala tagaya goobaha ugu wanaagsan ee Islaamka ee Makka iyo Madina si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo sanadkii halmar waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awooda.

Isu imaatinka ugu weyn ee muslimiinta ayaa loo qorsheeyay in uu bilowdo dabayaaqada bisha July, laakiin cudurka faafa ee coronavirus ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan suurtagalnimada in sanadkan Muslimiinta loo ogolaado inay Xajka gutaan maadaama cudurka Corona Virus uu kala xidhay Adduunyada oo dhan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hore u hakisay Acmaasha Xajka illaa wakhti aan la cayimin, waxaana sidoo kale la hakiyey dhammaan duulimaadyadii rayidka ahaa ee soo gaadhi jiray Sacuudiga iyadoo ay weliba xusid mudan tahay in todobaadkii lasoo dhaafay la joojiyey isku socodka dadweynaha ee magaalooyinka qaar sida Makka iyo Madiina.

Dowladda Sacuudiga ayaa lacago badan oo ganacsi ah ka sameyso Xajka, wuxuuna laf dhabar u yahay qorshayaasha lagu ballaadhinayo tirada dadka soo booqda ee hoos imanaya ajandaha dib-u-habeynta Amiir Maxamed bin Salmaan.

Joojinta Xajka ayaa noqon doonta mid aan hore loo arag  wakhtiyadan casriga ah, laakiin joojinta imaanshaha goobaha halista badan ayaa hore u jirtay, waxaana ugu dambeeyey xilligii uu dillaacay cudurka Ebola.

Sacuudiga ayaa  sheegtay inay heshay 1,563 kiis oo cudurka Coronvirus ah iyadoo ay cudurkaas u dhinteen illaa 10 qof.

800,000 qof ayuu ku dhacay cudurka Caronavirus dhammaan adduunyada oo dhan, waxaa u geeriyooday illaa 38,000.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here