Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Soomaaliya

0
2325

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta jawaab kulul ka bixisay hadal shalay ka soo yeedhay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa Labadii kiis ee Coronavirus ee Somaliland laga helay.

Somaliland ayaa sheegtay in talaabada ay dowladda Soomaaliya u aqoonsan weyday Kiisaskaasi, ay tusayso heerka cadownimo ee ay u qabaan Somaliland.

Hinda Jaamac Xersi Gaani, Wasiirka shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, oo arrintaasi ka hadashay ayaa ka dhawaajisay inaanay waxba uga baahneyn dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Hindi Gaani ayaa sheegtay in Madaxda Soomaaliya ayna dhab ka aheyn Soomaalinimadu, maadama ay iska indho tireen xaalada cakiran ee reer Somaliland wajahayaan, sida ay hadalka u dhigtay Wasiiradu.

“Qofka kuu diidey in dalkiisa laga helay COVID-19 kuuna aqoonsan maayo kuleh bal muxuu kuu qaban karaa, halka laga sugayey inay yidhaahdaan Somaliland waa dal yar ee aan u duceyo ee haloo gurmado” ayay tidhi Wasiir Hinda Gaani.

Waxayna intaasi sii raacisay “Haddii ay Soomaalinimada dhab ka tahay may odhan lahayn Somaliland ma qabto Coronavirus ee ha loo gurmado ayay odhan lahaayeen”.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay sheegay inaanay aqoonsanayn Kiisaskaasi laga helay Somaliland, madaama uu xusay inay ku kalsoonayn awooda xaqiijinta Coronaha ee Somaliland.

Dhinaca kale, Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa xalay ku dartay liiska tirada cudurka Coronavirus, iyada oo labada kiis ee Somaliland la raaciyey Soomaaliya, maadama aan loo aqoonsaneyn dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here