Dawladda Jarmalka oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Mashaariicda La Xidhiidha Horumarinta Ee Ay Ka Waddo Somaliland

0
749

Nairobi (Hargeisa Press)- Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay inay sii wadayso mashaariicda la xidhiidha horumarinta ee ay ka waddo Jamhuuriyadda Β Somaliland.

Siduu baahiyey WargeyskaΒ East African Business Week, Danjire ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Kenya,Β Marcus Bollmohr ayaa sheegay in cilaaqaadka ay Somaliland la leeyihiin uu wanaagsan yahay, waxaanu kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi Baashe Cawil Cumar oo ay ka wadahadleen kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta wershadaha.

Germany will continue playing a key role in sustainable development in Somaliland.

Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, wuxuu sheegay in danjire ku xigeenku uu xaqiijiyey inay sii wadayaan mashaariicda horumarinta ee ay kala shaqeeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu tilmaamay in dawladda Jarmalku ay door weyn kaga jirto mashaariicda waara ee horumarinta Somaliland.

Marcus Bollmohr Safiir Ku-xigeenka Jarmalka ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa dhinaciisa Β caddeeyey inay Somaliland ka saacidayaan mashaariicda ay baahida u qabaan, waxaannu xusay inay ganacsatadooda Β ku dhiirigelinayaan inay maalgashadaan JSL.

Geesta kalena, Guddida Maalgashiga caalamiga ah ee dalka Malaysia ayaa shaaciyey inay ka jiraan Somaliland fursado badan oo u baahan in la maalgashado,kuwaasi oo Β shaqo u abuuri kara Β shacabka isla marlaana kor u qaadi kara Β dhaqaalaha Somaliland. Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddida maalgashiga caalamiga ah ee Malaysia Mr. Dato’ Arshad.

Guddoomiyaha Guddida maalgashiga caalamiga ah ee Malaysia Mr. Dato’ Arshad ayaa iftiimiyey inay Somaliland ka jiraan meelo dihin oo aan wali la maalgashan oo ay ka mid yihiin Dhinacyada Beeraha iyo Tamarta.Β  Waxa kaloo uu intaas ku daray in shirkadaha Ganacsiga dalkiisu ay doonayaan inay maalgashadaan kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

https://www.busiweek.com/germany-offers-continued-support-of-development-initiatives-in-somaliland/

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here