Dawlada Ingiriiska Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Qaab Siman Ula Macaamilaan Dawlada Somaliland Iyo Somaliya

0
804

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Dawladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay si siman ula macaalimaan Somaliland iyo Dawlada Fedaraalka Soomaaliya, isla markaana, Somaliland waxay qabsatay tusaale lagu faano tahay tahay, sidaana u taageeraan.

 

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan wadamada Somaliland iyo Soomaaliya Ms. Harriet Mathews ayaa jawaabo ka bixisay su’aalo toos ah oo dadweynahu ka weydiiyeen arrimo la xidhiidha taageerada Ingiriisku u fidiyo Somaliland, mowqifkooda aqoonsiga iyo arrimo kale, waraysi telifishanka Universal xaruntooda London lagu qabtayΒ  Isniintii todobaadkan.

 

Ms. Mathews, danjirahaΒ  Ingiriiska ayaa sheegtay in Britain xidhiidh fiican la wadaago Somaliland, taasina keentay inay joogitaan ku yeeshaan, waxaanay tidhi β€œWaxaanu xaqiijinayaa inaan ka fulino taageerooyinka aanu ugu tallo-galay Somaliland, waxaana hawshaa qabta hawl-wadeenno fadhigoodu yahay Addis Ababa oo ila shaqeeya. Waxaan mar walba wadaagnaa xidhiidh fiican Somaliland, waana sababta aanu xaadirka ugu nahay una joogno Somaliland. IngiriiskaΒ  Denmark waxaanu taageero ku bixinay hawlaha diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, oo ah nidaam ugu dambeeyey ee adduunka laga isticmaalo.”

 

β€œWaxaan sidoo kale Somaliland kala shaqeynaa dhinacyo badan, sida taageerada abaarahii ugu dambeeyey, waxaan kale oo xukuumadda ka taageernaa dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, ciidanka ilaalada xeebaha, waxaan la wadaagnaa xidhiidh qoto-dheer Somaliland, sidaan ula wadaagno dawlada Fedaraalka Soomaaliya,”ayay tidhi danjiraha Ingiriisku.

 

Ms. Mathews ayaa sheegtay in Somaliland tusaale u noqon karto siday wax u qabsatay Soomaaliya inay ku deydaan, waxaanay tidh β€œHorumarka SomalilandΒ  wuxuu tusaale cajiib ah u noqon karaa Soomaaliya, waana arrin amaan mudan, iyo tusaale u baahan inaan taageerno.”

 

Miss Mathiews oo ka hadlaysay mowqifka dalkeeda ee la xidhiidha aqoonsi ay siiyaan Somaliland, ayaa tidhi, β€œMarkaan ka hadlo aqoonsi Ingiriisku siiyo Somaliland, waa inaan raacnaa mowqifka Midowga Yurub ka qaato. Haddii aan nidhaahno Ingiriisku wuu aqoonsaday Somaliland waxaa qabaa macno weyn ma samaynayso, waa in loo maraa dariiqa saxda ah, wada xaajoodka u dhaxeeya Hargeysa iyo Muqdisho si dhow ayaan ula soconaa wakhtigan.”

 

Hadalka Ms. Mathews, safiirkaΒ  Ingiriiska u qaabilsan wadamadda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muujinaya sidaΒ  caalamku u tixgelinayaan waxqabsiga iyo horumarka shacabka iyo xukuumadihii Somaliland ee kala dambeeyey ku talaabsadeen, isla markaana qiraya siday u doonayaan inay taageeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here