Mudaharaad Xoogan Oo maanta ka dhacay Magaalada Gabiley Iyo Waxa Sababay In Bulshadu Mudaharaado

0
748

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada gabiley ee xarunta gobolka gabiley ayaa sheegaya in maanta u ka dhacay mudaharaad balaadhan.

 

Waxaana mudaharaadkan ay sameeyeeen bulshadu uu yahay mid ay kaga soo horjeedaan xadhiga ay masuuliyiinta dawlad deegaanka somalida itoobiya kula kaceen wariye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo ah wariyihii uga soo warami jiray HCTV magaalada gabiley .

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Waxaana wariyahan ay ciidamada new policeku ka kaxaysteen degmada tog wajaale oo ah xuduudka Somaliland iyo itobiya.

 

Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahin Ayaan ilaa hadda la garanayn halka ay geyeen ciidamada new policeku, balse warar hoose oo aan helayno ayaa sheegay in loo kaxeeyey dhankaa iyo magaalada jigjiga ee xarunta ismaamulka kilidhka shanaad.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here