“Dawlad Soomaaliyeed oo tallaabo ka qaadi karta dal kale ma jirto”… Guddoomiyaha UCID

0
572

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax aan jirin oo magac u yaal ah ku tilmaamay dawladda taagta daran ee federaalka Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in aanay jirin haba yaraatee,  wax dawlad Soomaaliyeed la yidhaahdo oo loo habran karo, isla markaana dawlad kale ama dal kale tallaabo ka qaadi karta.

Eng. Faysal oo hadal ka jeediyay soo dhawayntii madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay kaga soo laabteen dalka Guinie Konokry, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo dawladda Guinei Konokry sidii wanaagsanayd ee ay u qaabileen madaxweynaha Somaliland.

Halkan Ka Daawo Hadalka Eng. Faysal Cali Waraabe:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here