Dagaal Markale Ka Dhex Qarxay Maleeshiyo Beeleed Ka Soo Kala Jeeda Puntland iyo Galmudug

0
839

Afbarwaaqo (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka soconayo dagaal xoogan, oo u dhaxeeya laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka soconayaa Deegaanka Towfiiq oo ku dhow Deegaanka Afbarwaaqo, kana mid ah goobihii ay maalintii Khamiista ku wada dagaalameen maleeshiyadaasi.

Maleeshiyadan oo tan iyo Khamiistii ay gurmadyo gaadhayeen ayaa isku horfadhiyay deegaanadaasi, waxaana markasta la fillan karaa in dagaal uu ka dhex qarxo.

Xiisadan ayaa waxay baqdin ku keentay dadkii deegaanka, kuwaa oo guryahooda uga cararay si aanay waxyeelo uga soo gaadhin dagaalkaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli ay isa soo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maleeshiyo, ee ku wada dagaalamaya Bariga Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa uu dagaalku ku soo beegmayaa, iyadoo maanta lagu waday in ay deegaanadaasi gaadhaan Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada Magaalada Gaalkacyo qaarkood, si ay nabad u kala dhex dhigaan.

Masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ka hadlin xiisadda ku soo korortay Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa waxaa la tilmaamaa in tan iyo sanadkii 2011 ay ku soo noq noqdeen dagaal beeleedyada, waxaana markasta guuldareysanayay dadaalo kasta oo labada dhinac lagu kala qaboojinayay.

 

Hargeisa Press Desk/ Gaalkacyo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here