Somaliland oo Ka Hadashay Caqabadaha Hortaagan Ictiraaf Raadinta

0
833

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay halka ay marayaan ictiraafka ay ka baadi-goobeyso beesha caalamka iyo caqabadaha ay kala kulantay beesha caalamka.

Somaliland ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto ictiraaf raadinteeda, balse ilaa hadda ay beesha caalamku ka war-wareegayso inay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsato dal madax banaan.

Yaasiin Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, oo u waramayey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay qadiyadeeda ictiraaf raadinta ay u daba gali doonto Midowga Afrika.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay su’aal laga weydiiyay sababta ay beesha caalamku ay si isku mid ah ugu eegi weyday qadiyadooda iyo kuwa Ereteriya iyo Koonfurta Suudan, oo Somaliland kaga horeysay ku dhawaaqida madax-banaanidooda, isla markaana loo aqoonsaday dalal madax banaan.

“Arrintaasi waxay u taalaa inay Beesha caalamku ka jawaabto. Runtii ma garanayno sababta ay Beesha caalamku uga foganayso inay na aqoonsadaan. Somaliland waxay leedahay dhammaan sharciyadii iyo shurudiihii qaran lagu noqonayay oo ay ku jiraan aftidiii shacabkayaga oo si cad u sheegtay mawqifka shacabka Somaliland”.ayuu yidhi Wasiirkii Faaratoon.

“Waxaanu si adag u aaminsaahay hal qodob. Somaliland ugu dambayn waxay heli doontaa madaxbanaanideeda. Wuxuu ahaa Midow Mutadawancimo ah oo aanu la galnay Soomaaliya.  Laakiin markii ay reer Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadoodii, waxay si cad oo ay xaq u leeyihiin uga baxeen Midowgii Soomaaliya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu isku dayaynaa sida ugu wanaagsan ee aanu awoodno. Mawqifkayagu waxa weeye inaanu diirada saarno inaanu beesha caalamka qaddiyadayada hordhigno oo aanu sida ugu wanaagsan isugu dayno inay beesha caalamku ogaato waxaanu doonayno”.

“Waxaanu isku dayaynaa inaanu qaddiyadaya ku dabo-galno Midowga Afrika iyo xidhiidhada kale ee diblomaasiyadeed ee gobalka aanu ku leenahay”.ayuu in taasina raaciyay Wasiirkii Faaratoon.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here