Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Alle Ayaan Cafis Ka Waydiisanayaa Qaladkii Iga Dhacay

0
894

Muqdisho (Hargeisa Press)- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in uu ka Towbad keenay Alle -na Cafis ka weydiisanaya qaladkii ku jiray khudbadii uu ka jeediyay dalka Jarmalka oo ay siweyn u naqdiyeen inta badan Culimada Soomaalidu.

“Waxan Alle weydiisanayaa wixii khalad ah ee khudbadaas ku jirtay in uu iga cafiyo, Alle ayaa uga towbad keenayaa, annigoo aaminsan towbada cida is ka leh in uu yahay Alle Subxaana Watacaala, oo ayna qof bani’aadam ah towbada ayna laheyn, Alle ayaa towbo weydiisanayaa, wixii gef ah ee khudbadaas ku jirtay” ayuu yidhi Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Inta badan Culimada Soomaalida ayaa siweyn uga fal celiyay Khudbadii uu siyaasiga ka jeediyay dalka Jarmalka uu halkaa kula hadlayay Jaaliyada Soomaalid, iyaga oo sheegay in uu ku Gafay Diinta Islaamka si cadna u beeniyay Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabbiggena Maxamed NNKH waxaana ay ugu baaqeen siyaasiga in uu arintan ka Towbad keeno.

Muuqaalkan uu soo duubay Cabdiraxmaan CabdiShakuur ayaa u muuqda mid soo afaraya dooddii maalmihii ugu danbeeyayba taagneyd, madaama uu qaatay tallaadii ay u soo jeediyeen inta badan Culimada, isaga oo dhinaca kalana sheegay in uu iska cafiyay cid kasta oo isaga si gaar ah ugu wax -yeeleysay sharaftiisa qaladka ka dhacay dardii.

 

Hargeisa Press Desk/ Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here