Dadka Maqalka Naafada Ka Ah oo Dibadbax Ka Hor-dhigay Baarlamanka Somaliland

0
1251

Hargeysa (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah dadka Maqalka Naafada ka ah ee Somaliland, ayaa maanta dibadbax ka dhigay xarunta aqalka golaha wakiillada hortiisa.

Bulshada maqalka naafada ka ah, ayaa xidhay wadada u dhaxaysa madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland, waxayna dhigeen bannaanbax nabadgalyo ah.

Dibadbaxan ay dhigeen dadka Maqalka Naafada ka ahi, ayaa yimid kadib markii odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka uu goluhu ka reebay, kaasi oo uu goluhu shalay ansixiyay.

Dadkan maqalka naafada ka ah oo sitay boodhadh ay ku qoranyihiin “Madaxweyne ha saxeexin miisaniyada 2023”, ayaa dalbanaya in lacag loogu daro miisaaniyada 2023-ka oo laga reebay.

Waxaa ay sheegeen in baarlamaanku aanu ka qaybgalin miisaaniyada sannadkii 3aad oo xidhiidha, isla markaana loo sheegay in bulshada kale ee naafada ahi matalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here