Dad Ka Qisoonaya Waxyaabihii Argagaxa Lahaa Ee Ay Kala Kulmeen Jeel Ogadeen

0
573

Jigjiga (Hargeisapress)- Xabsiga Jeel Ogaadeen wuxuu ku yaallaa magalada Jigjiga, wuxuuna ku fadhiyaa dhul weyn waxaana ku wareegsan darbi aad u dheer oo silig lagu wareejiyey.

Albaabka hore ee laga soo galayo inkasta oo uu ku qoran yahay Xabsiga Dhexe ee Deegaanka Soomalida haddana xabsiga wuxuu ku soo caan baxay oo loo yaqaanna ‘Jeel Ogaadeen’.

Maamulki hore ee Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu marar badan uu isku dayay inaan magaca ah ‘Jeel Ogaadeen’ xabsigaasi loogu yeedhin.

Madaxa Komishiinka Asluubta Deeganka Soomaalida Bashiir Cabdi wuxuu sheegay inkasta oo xabsiga la yaqaannay uu ahaa Jeel Ogaadeen haddana waxaa jiray gooba kale oo qarsoodi ah oo dadka lagu silcin jiray.

Deyrka kore ee xabsiga marka gudaha loo sii galo waxaa ku yaalla darbi kale oo gudaha ah.

Dad hore xabsigaasi uga xidhnaa waxay sheegeen inuu xabsiga dhowr qaybood uu ka kooban yahay ayna jireen qolal magac kala duwan loo bixiyey oo macabiista lagu ciqaabo.

Waxaana qolalkaasi ka mid ah 7aad, 8aad iyo 9aad. Qolka 8aad loo yaqaanno waa qol mugdi ah waxayna sheegeen maxabiistu in lagu xidhi jiray dadka lagu soo eedeeya falalka aragagixisada iyo xubnaha jabhadda ONLF.

Qolka sideedaad oo hal dhinac u dheer afar albaab ayuu leeyahay albaab kastana gudaha wuxuu ku sii leeyahay dhowr qol. Haddaba, dadka qolka siddeedaad ku xidhnaa ee silaca kala soo kulmay waxaa ka mid ah Cali Xasan.

Cali Xasan

Cali Xasan

Cali inta aan Jeel Ogaadeen lagu xidhin, wuxuu ka mid ah askarti ilaalisa xabsiga wuxuuna askarinimo uu ku soo shaqeeyey 17 sano.

“Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo shaqada ku jira ayuu taliyahayga ii yeedhay wuxuuna igu yidhi ‘kaalay maxabiista garaac oo jidhdil ku samee’ anigana waan ka diiday waxaanna ku soo noqday goobtii shaqada. Markale ayuu haddana ii yeedhay sida oo kale ayuu igu yidhi haddana waan diiday. Taliyaha xabsiga marka arrinteyda maqlay wuxuu igu yidhi ‘Adiga waxaad xidhiidh la leedahay ONLF’ sidaa ayaana la iigu xidhay” ayuu yidhi isaga oo ka warbixinayo sida uu xabsiga ku galay.

Cali wuxuu sheegay inuu xabsiga gaar ahaan qolka 8aad uu ku xidhnaa 20 bilood uu muddo ku jiray god ay masas ku jiraan, garaacid, jidhdil iyo dhibaata badanna looga geystay xabsiga.

“30 maxbuus annaga oo ah ayaan qolkaa yar ku xidhnayn sida eyda ayaan u sexan jirnay oo dusha ayaan iska wada fuuli jirnay maadaamaa qolka uu cidhiidhi ahaa. Askartana waxay nagu sameeynayeen si aan u seexan qolka dhan biya ayey ka soo buuxin jireen.” ayuu yidhi Cali Xasan.

Albaabbada xabsiga oo bir ka sameeysan haddana meelaha bannan oo dhan owday sibidh si ay hawo iyo iftiin nooga soo gelin isla-markaana biyaha gudaha qolka lagu soo shubo ay dibadda ugu soo bixin biyuhuna ula fadhiistaan.

“Qolka oo dhan biya ayuu noqonayaa oo biya ayaa la fadhiisanaya marka sideed biyaha ugu dul seexaneysaa? marka maadaamaa aan biya ku seexan karin anaga oo darbiga wajiga ku hayna oo taagan ayuu waagu noo baryayey” ayuu yidhi Cali.

Cali oo ka warramaya waxyaabihi uu xabsigaasi kala kulmay wuxuuna yidhi nakeen gurigeyga ayaan ku soo tusayaa wuxuuna geeyey god bosaneera ah oo ay saxarada musqusha ku soo dhacdo oo korka ka furan ‘ godkan oo masas badan waxaa ku jiray muddo badan waxaanna ku wada xidhneyn aniga iyo wiil wariya ah oo uu magaciisu sheegay’.

Xabsiga Jeel Ogaadeen waxaa sida oo kale ku yaalla laba guri oo guriyaha eyda la eg oo salig ku wareegsan. Mid ka mid ah gurigaasi waxaa ku jira Harmacad midna waxaa ku jira Dhurwaa sida ay ilaalada xabsiga uu sheegeen.

Cali wuxuu sheegay in Harmacadka iyo Dhurwaaga guriyaha ay ku jiraan maxabiista lagula xidhi jiray. Harmacadka inkasta oo dadka uu ka cabsado haddana mararka qaar maxabiista ciddiyaha ayuu ku waxyeelleeyaa ayuu yidhi.

“Arrimahan oo dhan waxay ay askarta xabsiga ay maxabiista ugu sameeynayaan ayey ku sheegaan ayuu yidhi Cali iney maxabiiska ku baadhaan si ay xog uga helaan, marka uu silica kaa batana magac aan jirin ayaad shegeysa si aad naftaada u adbaadiso” ayuu yidhi.

Maryam Cabdul

Maryam Cabdul

Maxbuuska kale ee xabsiga ‘Jeel ‘Ogaadeen’ Silica kala kulmay waxaa ka mid ah Maryam Cabdul oo ah hooyo lix carruur ah dhashay.

“Aniga oo la igu eedeyey inaan ka tirsanahay ONLF xabsiga Jeel Ogaadeen iyo Xabsiga Qaalitii ee Addis Ababa waxaan ku xidhnaa 10 sano iyo 8 bilood” ayey tidhi.

Maryam marka ay xusuusato silici ku soo maray xabsiga Jeel Ogaadeen indhaheeda ilma ayaa soo dhaafaysa.

“Habeen iyo Maalin sida ay ii garaacayeen hadda xafaayad ayaan isticmaalaa”. Maryama jidhdilki loo geystay iyo adeeg caafimaad oo ay helin darteed maadaamaa ay kaadida cishan karin wxay ku qasbanaatay iney marweliba xafaayad xidhato.

“Maxabiista marka ay qolka ka bixiyaan oo ay qol kale u wareejinayaan gacan iyo lug ayaa silsilad looga xidhayey, qof gacan iyo lug ay silsilad ugu xidhan tahay sida uu u tallaabsado ayaa adag.”

Xadgudubyada dhinaca jinsiga ee haweenka maxabista ah loo geysto waa mid aad u dag ayey tidhi. ” abeenkii ayey imanayaan gabdhaha quruxsan oo da’da yar ayey la baxayaan waxayna leeyihiin ‘Kaalay Komishineerka (taliyaha xabsiga) shaah u kari’ dumarka waaweyn ma rabaan oo ma wataan.

Xabsiga Jeel Ogaadeen carruurta hooyooyinkooda ayaa lala xidhi jiray, maxbiiskana maalintii oo dhan waxaa cunta ahaan loo siinayey roodhi qamadi laga sameeyo iyo koob shaah ah oo keli ah.

“Dambibarayaasha su’aalaha ay ku weydiinayaan si aad jawaab degdeg ah uga bixiso baaldi kaadi iyo saxara la isku daray uu ka buuxa ayaa madaxa lagaaga keenayaa mararka qaarna inta qofka xadhig lagu xidho ayaa saacada badan qorraxda la fadhiisinayaa” ayey tidhi.

Ilaa iyo hadda xabsiga gudahiisa waxaad ku arkeysaa baaldiyo kaadida iyo saxarada ay ku angageen oo loo isticmali jiray maxabiista.

Silica Qoysaska

Silica Jeel Ogaadeen maxabiista oo keli ah kuma koobneyn balse wuxuu dhibaata aan yareyn uu u geysan jiray ehelada maxabiista xidhan.

Caasha

Caasha ninkeeda wuxuu ahaa shaqala dowladeed, Caasha ninkeeda sababa aan la garaneyn ayaa goobtiisa shaqada looga soo xidhay laguna xidhay xabsiga Jeel Ogaadeen.

Caasha oo ah hooya shan carruur ah dhashay inkasta oo ay nasiib u yeelan iney ninkeeda aragto haddana maalin walba ninkeeda ayey cunto u geyn jirtay.

Hase yeeshee, Caasha oo aan nasiib u yeelan iney ninkeeda aragto oo maalin walba cunto geyneysay ninkeeda wuxuuba geeriyooday marki xabsiga la geeyey maalma kaddib.

Maxabuus ninkeeda la xidhnaa oo xabsiga laga soo daayey ayaa Caasha u sheegay inuu ninkeeda dhintay.

Caasha waxay war ka haynin sababta uu ninkeeda u dhintay, xilliga uu dhintay iyo halka meydkiisa lagu aasay intaba.

Xasan Faarax oo ilalada xabsiga Jeel Ogaadeen ka mid ahaa wuxuu sheegay maxbuuska xabsiga ku dhinta in la dhihi jiray wuu xanuunsaday dhakhatrna la geeyo kaddibna sidaa lagu aaso oo aan ehelkiisa loo sheegin. Dadkii la xidhnaa qofka dhinta marka xabsiga laga soo daaya ayay eheladooda u xaqiijiyeen inuu dhintay.

Xasan faarax

Caddaalad

Madaxa Komishiinka Asluubta Deegaanka Soomaalida Bashiir Axmed wuxuu sheegay xabsiga Jeel Ogaadeen iyo gooba kale in kumannaan maxabiis ah silic looga geystay.

“Xabsiga Jeel Ogaadeen oo 1999 la aasaasay dadka ku xidhnaa waxaa lagu qiyasaa 11,000 – 15,000 oo qof, iyada oo dadki xabsigaasi ku dhintay tiradooda rasmiga ah aan la garaneyn waxayna u baahan tahay baadhitaan dheeraad ah” ayuu yidhi.

Ilaa iyo haddana waxay dowladda gacanta ku dhigtay ayuu yidhi seddex ka mid ah dadkii madaxda ka soo ahaa xabsigaasi waxaana hadda socota dhageysiga dacwadahooda, waxaana jira iney jiran dad aan weli la qaban oo lagu raad joogo.

Jeel Ogaadeen muxuu ku dambeynayaa

Komishiinka Asluubta Deegaanka Soomaalida Bashiir Axmed wuxuu sheegay “Wixi xabsigaasi ka dhacay waa mid u baahan in marwalba la xusuusto marka waxaa noo qorsheysan inaan masxaf ka dhigno.” ayuu yidhi.

Waxaanna xaqiijinayaa ayuu yidhi inuu jirin hal maxabuus oo maanta xabsiyada Deegaanka Soomaalida siyaasad ugu xidhran ayuu yidhi.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here