Dabley Hubaysan oo Laascaanood Ku Dishay Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani

0
2128

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay Masuul ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Masuulkan oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi, ayaa la sheegay in dablay hubaysani ay fiidnimadii Xalay ku dishay magaalada Laascaanood.

Wararka, ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi ay dablayda hubaysani dishay, xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku tukananay salaada cishaa’i.

Dilka masuulkan, ayaa waxaa ka hadlay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, isagoona tacsi ugu diray qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay marxuun Hadraawi.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharax Cirro, ayaa sheegay in Cabdifataax Hadraawi uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI, isla markaana uu ku jiray liiska kuraasta keydka ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhinaca kale, Musharax Cirro, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay si deg deg ah u soo qabato oo ay cadaalada u hor keento, dablayda dilka u geysatay Cabdifataax Hadraawi.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada Laascaanood ku soo badanayay dilalka loo geysto Masuuliyiinta kala duwan, iyadoona Xukuumadda Somaliland aanay weli ku guulaysan in ay cidhib tirto budhcada dilalka ka gaysta magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here