Mashaariic Kala Duwan Oo Laga Hirgeliyay Gabiley Oo Xadhiga Laga Jaray

0
430

Gabiley (HP): Wefti balaadhan oo ka socday xafiiska mashruuca JPLG ee madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley.

Waxaana weftigaasi soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo maamulka dawladda hoose ee degmadda Gabiley.


Weftigan ayay u jeedadooda socdaalkoodu la xidhiidhay kormeerka Sannad laha ah ee Xafiiska Madaxweyne ku-kigeenka JSL ee Mashruuca maamul daadajinta dawladdaha hoose ee JPLG.
Waxaana masuuliyiinta weftigaasi xubno ka ahaa wasiir ku-xigeenadda wasarradaha Caafimaadka iyo Waxbarashadda, Agaasimaha guud ee goboladda iyo Degmooyinka ee ee wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.


Gudoomiye ku-kigeenka haayadda Maamul wanaaga, Xafiiska Champion-ka, La taliyayaasha Waxbarashada iyo Caafimaadka, iyo masuuliyiin kale.

Weftigani iyo maamulka gobolka Gabiley, iyo ka degmadda Gabiley ayaa si wada jira u soo kormeeray Mashaariicda kala duwan ee maamul daadajinta ee laga hirgeliyay Gabiley.
Sidoo kale waftigani ayaa xadhiga ka jaray mashaariic ay fulisay dawladda hoose ee Degmada Gabiley, kuwaas oo laga maalgeliyay mashruuca JPLG.


Mashaariicdaasi ay masuuliyiintu xadhiga ka jareen waxaa ka mid ahaa Wadada Shariif Cali, Dugsiga Farsamadda Gacanta, dugsiga Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo Dugsiga Wadajir.


Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo weftigaasi soo dhaweeyay ayaa shregay inuu ku faraxsan yahay hawlaha shaqo ee ay u yimaadeen gobolka.

“Waxaa Farxad noo ah in aan maanta ku soo dhawayno magaallo madaxda gobolka Gabiley, wefti balaadhan oo kormeerka sannad laha ah ee xafiiska madaxweyne ku-xigeenka JSL ee mashruuca maamul daadajinta dawladdaha hoose” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.


Geesta kale weftigan ayaa isla maanta waxay dhagax dhigeen saddex Waddo oo laga fulin doono magaalooyinka Gabiley iyo Tog-Wajaale.

DAAWO: Hadalkii Badhasabka Gabiley ee kormeerka Mashaariicdaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here