DAAWO: Maayarka Gabiley Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Jamhuuriyadda Jabuuti

0
390

Gabiley (HP): Maayarka magaaladda Gabiley ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Jabuuti.
Weftigaasi oo qy hogaaminayso agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda Dhaqanka dawladda jamhuuriyadda Jabuuti Marwo Faadumo.

Iyadoo agaasimaha waaxda dhaqanka iyo xubnaha kale ee la socday ba ay magaaladda Gabiley kaga qayb galeen Bandhiga Carwadda Buugaagta Hargeisa, oo qaybtiisa labaad ay ka socoto magaaladda Gabiley.
Duqa Degmada Mudane Maxamed-Aamin Cumar Cabdi, ayaa weftigan ka socday Jabuuti ku soo dhaweeyay magaaladda Gabiley, iyo bandhiga carwadda Buugaagta Hargeisa ee ay kaga qayb galeen.
Geesta kale agaasimaha waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Dhaqanka Jabuuti Agaasime Faadumo, oo ku hadlaysa afka waftiga ayaa ka mahadnaqday soo dhawaynta wanaagsan ee maayarku ugu sameeyay Xafiiskiisa.

Dhinaca kale wayaa maalintii labaad si hab-sami ah uga socda magaaladda Gabiley qaybta labaad ee carwadda buugaagta Caalamiga ah ee Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

Β 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here