Madaxtooyadda Soomaaliya Oo Beenisay War Uu Sheegay Madaxweynaha Masar

0
1682

Muqdisho (HP): Madaxtooyada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay war uu sheegay madaxweynaha dalka Masar, oo la xidhiidhay webiga Niil.
Kadib booqashadii uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud, ku tegay dalka Masar, oo madaxweynaha dalkaasi C/fataax A-siisi, uu sheegay in ay Soomaaliya Masar ku taageerayso difaacashadda webiga Niil.
Hase yeeshee, afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, oo maanta warbaahinta kula hadlay madaxtooyadda Villa Somalia ee magaaladda Muqdisho ayaa arrintaasi beeniyay.

Waxaanu sheegay in madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, iyo madaxweyne Xasan Sheekh, a  isla soo qaadeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.
DAAWO: Afhayeenka Villa Somalia Cabdikariin Cali Kaar:

Geesta kale Cabdikariin Cali Kaar, waxa uu xusay in safarada uu madaxweynuhu galay ay ku saabsan yihiin soo celinta saaxiibada Soomaaliyeed ee sida maalaayacniga ah loo lumiyey.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here