Ciyaartooyadii Somaliland Uga Qayb Gashay Koobkii Lagu Qabtay Abkhazia Oo Ka Hadlay Hanjabaada Uga Yimi Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Fariina U Direy Madaxwaynaha

0
976

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dhalinyaradii ciyaartoyda ahaa ee dhawaan ka qeyb galay tartankii kubta cagta  ee loo qabtey dalalka aan la aqoonsan isla markaana ka dhacay dalka Abkhazia ayaa waxaa ay ka hadleen hanjabaado is dabo joog ah oo uga yimid masuulyiinta wasaarada Ciyaaraha.

 

Ciyaartoydan ayaa waxaa ay sheegen in masuulyiinta wasaarada ciyaaruhu ay ku fashilmeen wax u qabashada iyo jiheynta dhalinyarada Somaliland isla markaana waxaa ay xusen in qaranka Somaliland aanay iyagu iska lahayeen waxaana ay ugu baaqeen in ay iska casilaan xilka ay hayaan.

 

Sidoo kale dhalinyaradani waxaa ay  tilmaameen in dadal dheer ay u galeen isla markaana ay magaca Somaliland iyo qadiyadeedba ay gaadhsiyeen meel aad u dheer   waxaase ay nasiib daro iyo wax laga xumaado ay ku tilmaameen in masuulyiinta wasaarada ciyaaruh ay arintasi ka xumaadeen.

 

Dhalinyaradan ciyartoyda ah ayaa waxaa ay aad ugu mahadnaqeen madaxweynah Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo waxaana ay ugu baaqen in uu talaabo cad ka qaado Masuulyiinta wasaaarada ciyaaraha oo ay ku tilmaameen qaar ku fishlmay jiheynta dhalinyaradii Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here