BAYAAN: Musharaxiinta Madaxweyne & Madaxweyne Ku Xigeen, Ma Shirwayne Ayaa Lagu Doortaa, Mise Kal-Fadhi Gole Dhexe?

0
1075

Doodii Dhagaysiga Dacwada Xisbiga Ucid ee shalay ka qabsoontay Xarunta Guudida Diiwaangalinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka, Ayaa qodobka ugu wayn ee Qareenada u Doodayay Faysal A. Waraabe, ay cuskanayeen waxa ka mid ahayd in Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen u baahantahay in Shirweyne lagu ansixiyo, Sidaas darteed aanay sharci ahayn musharaxnimadiisu mar hadaan shirweyne la qaban. Hadaba anigoo arintaas ka duulaya waxaan jeclaystay inaan bulshada u iftiimiyo Qodobada Xeerka ucid ee qeexaya qaabka loo marayo doorshada Musharaxiinta iyo cida iska leh awooda ansixinta Musharaxiinta M/weyne iyo Ku Xigeenka.

 

Hadaba Xeerka UCID meelna kagama qorna Shirweyne Ayaa Musharaxiinta Lagu Dooranayaa. Doorashada Musharaxiinta M.weyne iyo Ku Xigeen iyo Ansixinta Heshiisyada Labaduba Waa Shaqo iyo Waajibaad uu Leeyahay Golaha Dhexe. Jamaal waxa cod gacantaag ah ku ansixiyay Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ee uu Shirwaynuhu soo doortay. Qodobadaas oo kala ah.

CIYY

QODOBKA 27AAD

MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN

Xarafka 1 aad

Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen waxa dooranaaya Golaha dhexe ee xisbiga.

Xarafka 2aad

Murashaxnimadda Jagooyinka madaxweyne iyo ku xigeenka iyo xubinamadda hogaanka sare ee Xisbigu way kala madax banana yihiin.

Xarafka 3aad

Xubina looma sharaxi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

QODOBKA 16AAD

HAWLAHA GOLAHA DHEXE

Xarafka 9aad: Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyadda uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale( dhinaca Kale), oo ku saabsan iskaashiyo wax-wada qabsi oo la xidhiidha arimaha siyaasada ee ay u soo gudbiyaan gudida fulintu iyaga oo ku ansixinaaya cod 2/3 ah.

 

Xarafka 10aad: Golaha Dhexe wuxu u Codaynayaa cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

 

Sidaas darteed, Waxaan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin tartan danbe oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ku dooranayo Musharax Madaxweyne sababtoo ah, Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ee qabsoomay, Si rasmi ah loogu doortay Musharaxnimada Jagada Madaxweynenimo iyo Madaxweyne Ku Xigeen, si waafaqsan Xeerka Xisbiga Ucid, taas oo ka danbaysay midowgii heshiiskii siyaasadeed ee ay wada galeen Xisbiga Ucid iyo Garabkii Xisbiga Udub ee uu hogaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12 July 2012, lagu qabtay magaalada Hargeysa.

 

Heshiiskaas oo la mariyay nidaamka sharci ee xisbiga, si loo dabaqo qodobada sharci ee xeerka xisbiga ee kala ah Qodobka 16aad faqradiisa (9aad, 10aad) ee kor ku xusan. Hadaba isagoo xisbigu hirgalinayo go,aanadii qodobadan heshiisku dhigayaan waxa uu xisbigu qabsaday kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe Xisbiga Ucid oo qabsoomay 28/10/ 2012. Kal fadhigaas oo cod gacantaag ah oo aqlabiyad ah lagu ansixiyay dhamaan qodobadii heshiiska laguna go’aamiyay qodobadan:-

 

  1. Waxa Lagu Ansixiyay heshiiskii Labada garab;
  2. Waxa lagu Doortay Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku Xigeen Jagooyinkaas oo loo kala doortay
  3. a) Musharaxa Madaxweyne Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
  4. b) Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Cabdirashiid Xasan Mataan
  5. c) Waxa Lagu doortay Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Muj. Cali Maxamed Yusuf (Cali Guray)
  6. d) Waxa Lagu doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga(Axmed Kayse)

Ilaahay Sida Xaqa ah Hayna Garan Siiyo.

 

Alaa Mahad Leh

Ramadaan Kariim

Mohamed Gacayte

Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga UCID

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here