Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo La Filayo In Uu Beri Ku Biiro Xisbiga KULMIYE

0
781

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Booqasho ku Tegay Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama.

 

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa la filayaa inuu Maalinta Beri ku dhawaaqo inuu ku biiray xisbiga talada haya ee KULMIYE. qabanqaabada xaflad lagu soo dhaweynayo ku biiritaanka Prof. Axmed ee xisbiga KULMIYE ayaa laga dareemayaa magaaladda Boorama.

 

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay weheliyaan Proff Axmed Ismaaciil Samatar  iyo masuuliyiin sare oo ka mid ah xisbiga Kulmiye waxay maanta gaadheen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyada oo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo la hadlay warbaahintuna uu ka gaabsaday  inuu shaaca ka qaado ujeedada ay u tageen magaalada Boorama.

 

Halkan ka daawo weftiga Muuse Biixi

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here