Ciidanka Booliska oo Bilaabay U Diyaargarowga Xuska 18-ka May

0
635

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Sarreeye guuto Cabdi Xasan Mire, ayaa kormeer ku tagey goobta ciidanka booliska Somaliland ay ka wadaan tababarka iyo diyaar-garawga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May ee sannadka 2024-ka oo dhawaan inagu soo fool leh.

Taliyaha Guud ee Ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo ku xigeenkiisa Sarreeye guuto Cabdi Xasan Mire, ayaa goobtaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland.

Ciidanka booliska, ayaa badhtanka kaga jira dhoolatus iyo gaardis ay ku muujinayaan, cududooda iyo tayadooda, taas oo la xidhiidha u diyaargarowga xuska maalinta Qarannimada JSL, oo sannad kasta la xuso 18-ka bisha May.

Taliyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ciidanka loo xulay ka qayb galka munaasibada xuska 18-ka May, waxay ku boggaadiyay kuna amaaneen sida wanaagsan ee ay ilaa hadda u wadaan diyaargarowga maalinta Qaranimida iyo hawl soconsiinta hawlaha ay Qaranka u hayaan.

Madasha loo asteeyay in ciidanka boolisku ay ku sameeyaan gaardiska diyaargarowga xuska maalinta Qaranimada ee 18-ka May, ayay ku soo badhigeen diyaargarow xoogan oo ay ku muujiyeen kartidooda iyo khibraddooda.

Sannadkasta bishan May waxa ay ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland sameeyaan gaardis ay ugu diyaar-garoobayaan xuska iyo weyneynta maalintan.

Taliye Dabagale ayaa ciidanka faray inay sii laban laabaan dadaalkooda iyo diyaar garowgooda, waajibkooda iyo ilaalinta amnigana xil weyn iska saaraan.

Geesta kale ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, ayaa todobaadyadii u dambeeyey ku jira diyaargarowga Xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

Sidoo kale, ciidamada Milateriga, Booliska, Asluubta, Ilaalinta Xeebaha, Socdaalka iyo Dabdamiska ayaa gaardis iyo dhoolatus ay ugu diyaargaroobayaan maalinta dib ula soo noqoshada Qaranka Somaliland ee 18 May 1991-kii oo laga joogo 33 sanadood ay ku samaynayeen xerooyinka iyo talisyadooda kala duwan.

May be an image of 2 people

May be an image of 4 people

May be an image of 7 people and text

May be an image of 6 people

May be an image of 10 people

May be an image of 3 people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here