Agaasime Shiine: “Warqada Baraha Bulshada La Wareejinayo Waa Dacaayad Raqiis Ah”

0
973

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mustafe Cabdi Ciise(Shiine), ayaa beeniyay in Yuusuf Cabdi Gaboobe ka tirsan yahay oo uu ka mushahar qaato Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimuhu waxaa kaloo uu waraaq baraha bulshada la wareejinayo ku tilmaamay mid lagu bartilmaameedsanayo ragga iyo hablaha difaaca Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna wuxuu ku sheegay farriin kooban oo uu ku baahiyay baraha bulshada oo u qornayd sidan:-

“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in Yuusuf Cabdi Gaboobe ka tirsan yahay Wasaaradda Warfaafinta oo uu Mushahar ama gunno ka qaato maaha mid jira.

Waana dacaayad raqiis ah oo lagu bar-tilmaameedsanaayo ragga iyo hablaha qarankan difaaca oo iskood isku xilsaaray.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here