Xukuumadda Somaliland oo Itoobiya ku Bogaadisay Xuska Dagaal Taariikhi Ah

0
1561

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Danjire ku xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Addis Ababa, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay in guushii dagaalka ADWA ee Itoobiya ay kaga adkaatay gumaystihii Talyaaniga ee dalkeeda soo galay uu ahaa dhacdo taariikhiya oo karaamo u soo jeeday Afrika oo dhan.

Dagaalkaasi ayey Itoobiya ku jabisay ciidamadii Talyaaniga magaalada ADWA 1dii March 1896kii.

“Taariikhda waxa ku jira maalmo iyo billo tilmaaman oo ah taariikh la soo maray. Taariikhahaasi oo iskugu jiray qaar shakhsiyadeed, kuwo qaran iyo qaar qaaradeed,” ayuu danjire Barkhad Kaariye ku yidhi dhambaal hambalyo ah oo uu munaasibadaas darteed, ku bogaadiyay dawladda iyo shacabka Itoobiya.

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Afrika waxa ay soo martay xusuuso xannuun badan oo aynu ku weynay geesiyo badan, kuwaasi oo dhintay xilliyo kala duwan iyo ujeeddooyin kala gedisan oo la xidhiidha sidii aynu ugu noollaan lahayn sumcad iyo madaxbannaanida qaarada Afrika sidii aynu xor uga noqon lahayn gumaystaha iyo nidaamyadii midab kala sooca, oo wiilal iyo hablo tiro badnaa ku bixiyeen qiime adag.”

Safiirku wuxuu sheegay inay sooyaalkii ay soo muteen dadka madow ee adduunku ay wadaageen ujeeddooyinka guud ee xornimo doonka ahaa.

Barkhad Kaariye wuxuu Itoobiya, Afrika iyo dhammaan dadyowga madow ku bogaadiyay xuska guusha dagaalkii ADWA oo uu tilmaamay inay farxadaas la wadaagaan ummadda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here