Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Puntland oo Gadood Sameeyay, Jidgooyana Dhigtay

0
547
Ciidamada maamulka Puntland
Ciidamada maamulka Puntland

Garoowe (Hargeisa Press) – Ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa jidgooyooyin cusub dhigtay wadada isku xidha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Ciidamadan ayaana sidoo kale masuuliyiinta maamulkaasi Puntland ka mamnuucay isticmaalka wadadaasi.

Jidgooyada ay dhigteen ciidamadan ayaa caqabad ku noqotay masuuliyiiin maamulka Puntland ka tirsan oo qorsheynayay in ay ciidamo tababar ugusoo xidhaan degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Ciidamada dhigtay jidgooyada ayaa cabashadooda waxay kusoo beegmaysaa xilli madaxweynaha maamulka Puntland uu dhawaan shaaciyay in la kordhiyay mushaarka ciidamada.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaan xanibin gaadiidka dadweynaha ee ku kala safraya wadadan, inkastoo cabsi laga muujinayo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni inkastoo uu sheegay in mushaharka uu kordhiyay, hadana cabashada ciidamada ayaan weli dhamaan, waxayna haatan ka taagan tahay gobolka Gardafu, oo ay ciidamo iyo saraakiil ka cabanayay xuquuq la’aan sameysteen jabhad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here