Ciidamadii Somaliland Scouts oo Lagu Maamuusay Munaasibada 26 June

0
1180

Hargeysa (Hargeisa Press)- Munaasibad aad u qurux baddan oo lagu xusayay Sannad Guurada 63aad ee madaxbannaanida Somaliland 26 June 1960, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo si gaar ah loogu mahad celiyay dhalinyarada qurbajoogga ah ee firfircoon ee Somaliland Advocates inay fikirkeeda iyo abaabulkeedaba lahaayeen, taas oo uu kala saqeeyay Xafiiska Qurbajoogga Somaliland.

Waxaana ka soo qaybgalay oo lagu sharfay munaasibadda geesiyaasha ku suntan taariikhda Somaliland ee Askartii Somaliland Scouts xubno ka mid ah. “Waxaan u mahad celinaynaa oo ka soo qaybgalay kana hadlay munaasibadda Madaxweyne ku Xigeenka JSL,  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.” ayay yidhaahdeen qaban qaabiyayaasha.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale, Xildhibaan Saleebaan Faarax Goox, Prof. Cabdisalaan Yaasiin, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Miisaan, sidoo kale, Mujaahid Sahra Halgan, Maayar Xigeenka Caasimaadda, Mujaahidiin, Qurbajoog, Dhalinyaro, Haween iyo martisharaf baddan oo ka soo qaybgalay.

Munaasibadda, Waxaa aad looga hadlay sooyaalka taariikhda Somaliland, qiimaha maalinta 26ka June, qiimaha taariikhda ay huwantahay iyo sida loogu baahan yahay in la weyneeyo xuskeeda. Waxaa lagu daawaday madasha muuqaallo ku saabsan taariikhda Somaliland iyo 26ka June.

Waxaa laga hadlay meelaha laga khaldo taariikhda si loo duudsiyo xaqqa Somaliland, loona baahan yahay in lagu baraarugo oo sida saxda ah loo adeegsado taariikhda dalkani leeyahay.

Gebagebadii, waxaa madasha lagu guddoon siiyay shahaado sharafyo 7 xubnood ka mid ah geesiyaasha Somaliland ee Askartii Somaliland Scouts, kuwaasoo ay iyagana sida runta ah farxad gaar ah u lahayd munaasibadani.

Meelaha laga khaldo taariikhda Somaliland ee loo baahan yahay in laga feejignaado, waxaa ka mid ah hadalka odhanaya “26ka June waa markii u horraysay ee dhul Soomaaliyeed calan laga taagay” laakiin ma dhulbaa calan laga taagay ama xorriyad helay mise dal baa helay? Isku soo wada duuboo, waxaa aad loo dhiirrigeliyay in hadda kaddib milgaha iyo maamuuska ay leedahay maalinta taariikhiga ah ee 26ka June la siiyo si la mid ah muunaynta xuska 18ka May, labada taariikhoodna ay ta hore fac weyn tahay, isla markaana lagu raad cadyn karo xuquuqda Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here