Maxay Reer Somaliland Ka Barteen Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi?

0
1742

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maayirkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Cadami, ayaa sheegay inuu Shaqsi ahaan aaminsan yahay inay Shacabka Somaliland ay Madaxweyne Muuse Biixi ka barteen inay iskood wax u qabsan karaan.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo Maayirka Hargeysa soo noqday horaantii 2000, ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu kaga qayb-galay magaalada Hargeysa, taas oo lagu daah-furay qorshe uu maamulka degmada Koodbuur dib ugu dhisayo Dugsiga Axmed Dhagax ee xaafaddaas oo qaadhaanka lacagta ku baxaysa ay ka qayb-qaadanayaan ganacsatada iyo Shacabka ku dhaqan xaafaddaas.

โ€œMadaxweyne kastaa waxbuu soo kordhiyey. Anigu feker ahaan waxaan aaminanahay inuu madaxweynuhu reer Somaliland baray sida wax loo qabsado,โ€ sidaas ayuu yidhi.

Siyaasi Cadami oo tusaale u soo qaatay Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay bishii May 2021-kii, taas oo kharashka ku baxay boqolkiiba 75 ay xukuumaddu bixisay, halka doorashooyinkii ka horeeyey ay beesha caalamku bixin jirtay inta badan kharashka ku bixi jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here